Saturday, October 31, 2015

Xasuustii Aabbihii W/Q: Khalid Mohamed Said “Khaloudy”



Muddo sannad ah ayaa ka soo wareegtay geeridii aabihii balse Hooyadii waxay indhaheeda ku arkaysaa ganacsigii aabihii ka tagay oo maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii dhacaya,
Bilaal waa wiil dhalinyar ah waqtigiisana ku lumin jiray kubadda kolayga oo uu aad ugu waalnaa, magaaladana aad buu caan uga ahaa wuxuuna u ciyaari jiray kooxaha ugu waawayn isaguna raga magaca ku yeeshay ayuu ahaa, Aabihiii taageere ayuu u ahaa oo ciyaar kasta oo inankiisu ciyaarayo wuu daawan jiray.
 Hooyadii ma jeclayn inuu wakhtigiisa ku lumiyo ciyaarta balse uu fasaxiisa ku qaato inuu meheradaha aabihii uu dhex joogo si uu shaqadana u barto, balse aabihii ayaa mar walba odhan jiray wuu iska baran.
Nasiib daro aabihii ma sii noolaan waxa haleeshay geeri aad uga nixisay bilaal.
Hooyadii way cidlootay waxayna dareentay kalinimo waxaana ku adkaatay inay ganacsigii faraha ku dhigto iyo inay sidoo kale baylahdii gurigana daboosho, Bilaal run ahaantii wuu dareemayaa dhibaatada intaa leeg balse wax xeelad ah ganctiisa kuma jirto. Gancisgoodu kaliya kuma eekayn magaalada oo kaliya ah balse aabbihii wuxuu u socdaali jiray waddamo faro badan oo uu ka soo dhoofsan jiray badeecooyin.
Bilaal wuu la tashaday hooyadii isagoo u sheegayna inuu wakhti badan lumiyay haddana uu maanta diyaar u yahay inuu dhexda u xidho ganacsiogooda iyo sidii uu kor ugu soo qaadi lahaa, waxayna go’aan ku gaadheen inuu isagu u kala goosho waddamadaas isaga oo ogna in uu aabiihii saaxiibo faro badan ku leeyahay meelahaas uu Bilaal u kala gooshayo gacana uu ka heli doono inta uu isagu kala baranayo suuqa.
Habeenkaas oo dhan hooyaddii caloolyow ma aysan seexan,  Bilaal dhinac wuu ku faraxsanyahay inuu nolosha qooyskooda uu masuuliyadeeda qaadayo, Dhinaca kalena aad uu uga murugaysanyahay inuu ka socdaalayo magaaladii uu aadka u jeclaa nolol cusubna gali doono.
Bilaal xalay hurdo way ku yarayd balse wuxuu dul xarigayay furaashka, goor sheegtana wuxuu ku buuxsaday in ay salaadda subax u kiciso, si lama filaan ah ayay goor sheegtii u qayliday balse bilaal wuxuu mooday in la gaadhay wakhti uu ka hayaami lahaa qoysikiisa una hayaami lahaa is badalka qoyskiisa. Markuu arkay in salaadii ay taagantahay ayuu salaadii u kacay.
Dhinaca bidix ayuu ka taaganyahay daarta bilicdasan ee uu ku soo barbaaray xusuusaha fiicana uu ka haysto,  Dhulku wuu ceegaaganyahay cirkana waxaad moodaa in lagu dahaadhay midab casaan iyo huruud iskugu jira,  Cadceeduna way damacsantahay inay falaadhaheeda dilaaciso, Neecaw qalbigiisa xanxantaysaana waxay ku soo dhacaysaa jidhkiisa oo jidhidhico isku shareertay, Indhihiisa waxaad moodaa in ay ilin ku soo taagntahay, Gacantiisa midig koob shaah ah oo kulul ayaa ku jira, Si qurux badan ayuu u jaleecayaa beerta wajahadiisa ah oo ay xusuus faro badani ku duuganatahay, Maskaxdiisana mawjaddo xusuus ah ayaa kolba ku soo maaxanaya, xasuustiisa waxa ka faaruqi la’a aabihii iyo ciyaarihii ay beertaas biicdasan ku dhex ciyaari jireen, sidoo kalena ma iloobi karo aabihii oo markay ciyaarayaan ku dhiiri galin jiray inuu markasta isagu badiyay xataa mararka ay baratamayaan wuu gaabin jiray si isagu u badiyo niyadana ugu dhiso, sidoo kalena xasuustiisa waxa ka mid ah taageeradii aabihii u muujin jiray marka uu garoonka ku jiro, waxaas oo dhana murugo ayaa qalbigiisa ku wayn inuu ka socdaalyo Noloshaas xusuuta badan una socdaalyo nolol cusub.
Xusuusahaasi rajo iyo ididiilo ayay ku abuurayaan isaga oo aqoonsan in marnaba aabiihii soo laaban doonin. Goortii uu bixi lahaa ayaa la gaadhay hooyadii oo murugo faro badani ka muuqato ayuu gacantiisa kaga tirayaa ilinta indhaheeda ka soo burqanysa, Caruurtii uu curadka u ahaana way ku soo xoomeen waloow qaarkood aysan garanyn dhibaatada ay leedahay boholyoowgu, haddana diyaar ayay u yihiin in ay sii safar salaamadiyaan.
Bilaal oo ilmada iska masaxaya ayaa albaabka ka baxay wuxuuna raacay gaadhigii gayn lahaa madaarka.

Tuesday, October 27, 2015

Qabiil Mise Qabyaalad



Waa maxay qabiil?
Haddaba qabiilku waa shayga qiimaha leh balse marka bulshadii ku ladho qabyaalad waxaa maxsuulkeedii noqday horumar la’aan iyo hiigsi la’aan ugu danbayna guuldaro.qabiil waa caddaynta jiritaanka qof ahaaneed sidoo kale waa astaan garasho ama abtirsiineed ee qof jiraa leeyahay, isla markaa na waa nidaamka ama hagaha isir iyo hiddo wade, haddii aan qabiil jirin runtii maynu noqoneen ummad jirta sidoo kale xoolaha waxba ma dheeraaneen, oo qofka jiraa haduuna garanayn cidda uu ka tafiirmay iyo cida uu hiddo la wadaago waxba jiritaankiisu sheegi maayo.

Waa maxay Qabyaalad?
Qabyaalad waa xanuun, xumaan, xasad iyo xajiin wada socda oo ay dheertahay dad kala jeclaysi xoriyad la’aan sababtaas oo kuu hogaaminaysa u xidhnaanshaha ama taageeridda qof ama shakhsi dan gaar ah leh, kaas oo kaa indho saabaya dantaadii kaana dhigaya qof liita oo dulli qaadan kara habaaskana cantuugi kara, sidoo kale waa fuquuq, fogayn, fidmayn iyo foolxumo bulshada dhexdeedu iskula timaado. Sidoo kale waa qaran dumiye, qudhun iyo qof xun jeclaysi. Cadaalad darro iyo camal xumo na qabyaalad ayaa caan ku noqotay.


innaga oo ka mid ah ummadaha ku xamdiya nimcada diinta islaamka haddana ah dad ab iyo isirkood  garanaya ayay dhexdeenna ka dhacdaa dil, dhac, fuquuq, iyo takoor aynu isku takoorayno qabiil taas oo aan la xeerinayn qofka jiritaankiisa, dabcigiisa, diintiisa, maalkiisa, iyo sharaftiisa balse aynu marka u horeysaba ka eegayno dhinac khaldan oo ah qabiilkee ayuu ka dhashay waliba intaas uun kuma joogtee waxa raacsan haduu reer hebel yahay waa gob haduu reer hebel yahayna waa gun, innaga oo ogsoon in qofkii alle sheegtaa nabigiisana qirayaa kaliya gob yahay.
Ilaahay kitaabkiisa quraanka waxa uu ku sheegay aayad qur’aan ah oo macneheedu odhanayo “waxaan idinka yeelnay qabiilooyin iyo ummado si aad isu garataan”. Taas baddalkeeduna maaha isku naca iskuna fogeeya iskuna caaya balse waa isku barta oo isku jeclaada.

Bulsho wanaageeda ama horumarkeeduna wuxuu ku xidhanyahay siday kooga sharafta leh u maamuusaan ka xumaanta ka dhex wadana u fogeeyaan balse maaha ninka xumaanta wada ee abkaa sheeganaya inaad ku taageerto xumaanta ood ku garabsato laga yaaba in haddii aad dariiqa saxda hadaad tusi lahayd in ilaahay ku hanuuniyo wanaag adigana abaal wayn ayuu alle kuugu hayn lahaa, Waa maalmo dunidu oo lagu waari maayo,  balse qof walba maalinta saacaddiisu dhamaato ee godka la geeyo kaliya shayga raacayaa waa camalkiisa.

Wakhtigan maanta taagan wax walba waxay noqdeen qabyaalad iyo is nacayb iyo waliba is bahaysi qabyaaladeed oo waxaad arkaysaa laba qabiil oo isku bahaystay cayda iyo xumaan ka sheegista qabiil kale,  taa badalkeedu wakhtiyadii hore muu ahayne balse dadku wuxuu ahaa walaal iyo xidid xurmona kala mudan xeerbeegti talisa iyo odayaal isku garnaqsada ayay lahaayeen qofna qof kale waxba kama sheegi jirin cay iyo cambaaraynna hadalkeeda ba daa.

Muraayadda bulsho iska dhex aragtaa waa aqoonyahankeeda, maanta aqoonyahankeenu waa mid aqoontiisa u gudbinaya cid gaar ah, sidoo kale qofkii aqoonta lahaana waxaynu ula dhaqmaynaa mid aan habboonayn sidoo kale fursaddii shaqo ee uu aqoontiisa ku kasban lahaana waxa laga yaabaa inuu ku waayo qabyaalad awgeed danta bulshaduna way ku lumaysaa cadaalad darrona way sababtaa.

Wali lama saadaalin karo goorta ay inaga dhex bixi doonto dabaylahan duufaanta caadifadaysan wataa ee qabyaaladu, haddii aynaan la iman dhaqdhaqaaq xoriyad aynu ku raadinayno taas oo aynu fikirkeena, dareenkeena, iyo maskaxdeenaba, kaga xoraynayno falkan foosha xun ee qabyaalada, abwaankii soomaaliyeed ee cabdilaahi suldaan timacade waa kii lahaa “Dugsi male qabyaaladi  waxay dumiso mooye”

Qof walba oo inaga mid ahina haddii uu kala fahmo qabiil iyo qabyaalad waxa hubaal ah in aynu hiigsan doono samaha iyo sareedada sad wanaagsana ka heli doono saadaasha mustaqbalkeena, laakiin intaa aynu isku khaldayno labadaas heer iyo hiigsi yeelan mayno,

Ogow qabiilkuna ma xumee qabyaaladaa xumaysay!.


W/Q: Khalid Mohamed Siciid “Khaloudy”

Saturday, October 17, 2015

Ciid Wanaagsan W/Q: khalid mohamed siciid “khaloudy”


Diinta islaamku waa diinta nasteexada iyo is-jacaylka sidoo kale waa diin inoo horsed farxad iyo badhaadhe, haddaba sannadkiiba waxa ku jirta laba ciidood oo waawayn laguna magacaabo ciidul fidr iyo ciidul adxa. Camal wanaagsan iyo cibaado suuban ka dib illahay wuxuu umadiisa ku sharfaa maalintan oo kale.

khaalid(2)

Maalintan oo kale, Marka waagu Dilaaco Diigguna Ciyo Salaadana La adimo waxaad mooda in ay soo dhacdoba hawo caafimaad oo dhamaan dadka farxad galisa yar iyo wayn ciroole iyo carruur taaso ruuxdooda ku abuurta Jacayl iyo jawi farxadeed.  Haweenkuna  qureeca Halkay ka samayn jireen Loxoox waxay ku badaleen Cambaabur.

Ammintu waa aroor hore, arooruhu kala wacan, kala suntan, kala saamayn wacan, cadceedduna waxay soo Baxday Falaadhaheeda oo wata diiranaan dareen iyo daganaasho gaar ah, subaxdani waa subax ka dhex suntan Sanadka gabi ahaantiiba oo way ka farxad iyo rayrayn badantahay. Waa dhif iyo nadir in subax sidan oo kale ah jiro, oo waxaynu odhan ba sanadkiiba laba mar ayay ina soo martaa. ilaahayna kala jecel ummadiisa Jacayl uun maahe una kala naxariis badan, waxa hubaal ah inayna ummadaha kale(aan Muslimka ahayni) helin maalin ka qiimo duwan maalmaha kale sidaa darted ayaynu nahay ummad ilaahay adeecda,

Qof walba waxa uu u diyaar-galoobayaa sidii uu soo tukan lahaa sallaada oo loo tukanayo qaab ka duwan Salaada Faralka ah,waxaad Hubaal ah in qof walba sito labis cusub carfi udgoona ka soo kimkimayo qof ba qofka kale laabta galinyo una hambalyaynayo munaasibadan awgeed, Waxaa xusid mudan in carruurtu ay yihiin kuwa ugu jawiga fiican maalintan oo ayagu kaliya waxa ay u ciidaan dhar cusub iyo waliba xaqal-ciid laakiin la saamayn ma aha dadka waawayn oo dadka waawayni waxay ilaahay ugu mahad celinayaan maalintan qiimaha iyo qaayaha baddan uu waliba ugu daray Caafimaad ,nabad iyo xasilooni.

Suuqa Waxaad mooddaa inuu buux dhaafayba oo meel aad ka istaagtaa aanu jirin oo aan odhan karno Usha cirka loo tuuraa dhulka ku soo dhici mayso. Kumanaan ayaa Hambalyo iyo Bogaadin Hawada isku Marinaya  kumanaanna Nasiib ayay isku yeesheen inay wada farxaan wada qoslaan wada ciidaan, sidoo kale idaacadaha iyo muuq-baahiyaaysha waxa ka socda Barnaamijkii Hambalyada Ciida oo Caruur iyo Cirooleba ka muuqdaan, Waxaana Hal-hayska maalinku yahay

 “ Alla Maanta iyo Maalinka Ciida ilaahii ina siiyay isagaa ku abaal leh, Way ahaataye maanta si wanaagsan u ciida, Arday joogta iskuulka odayaal talinaya illaahi ina siiyay isagaaa ku abaal leh.”

Khaloudy khaled <khalidfarxan@gmail.com

Wednesday, October 14, 2015

TUKAANKII XIKMADDA




Madaxwaynaha Ayaa u soo Baxay suuqa si u soo indho indhodheeyo suuqa iyo kala iibisiga badeecadaha Hase ahaate waxuu la kulmay tukaan duug ah oo aan haba yaraate wax alaab ahi aan dhex oolin Marka laga reebo laba loox, oo uu dhex fadhiyo oday da'diisu aad u wayntahay Wuu soo galay salaan diiraan iyo soo dhawayn kadib odaygii ayuu suaal waydiiyay Suuqii Waad soo Gashay Maxaad la timid inaad ka ganacsato? Odaygii ayaa ugu jawaabay Si kalsooni iyo daganaan faro badan ka muuqato kuna idhi Waxaan iibinaa waxa suuqa yaala waxa ugu fiican uguna qaalisan!
Madaxwaynihii oo u haysta inuu ku dheeldheelayo odaygu ayaa ugu jawaabay Miyaad Hubtaa?
Odaygii ayaa ugu jawaabay Haa waa Hubaa. Madaxwaynihii oo la yaaban kalsoonida intan leeg ayaa ku yidhi oo hadmaan tukaanka ku arkayaa alaab aan ahayn laba loox oo gaboobay mooyee? Odayagii oo Dhoola Cadaynaya ayaa yidhi Mudane Aad ayaan uga Faaiday Looxaantan Waana Qaali. Madaxwaynihii ayaa Loox ka mid ah looxyadii kor u qaaday oo ka masaxay Boodhkii waxaanu arkay qoraal ku qoran oo ah (KA FIIRSO INTA AANAD FALIN). Xoog ayuu uga dhugtay qoraalkii kadib wuxuu idhi Imisa ayaad siinaysaa? Odaygii ayaa ugu jawaabay 1milyan. kadib buu Madaxwaynihii Qosol ku dhuftay ilaa uu gaadhay heer uu ilmeeyo. Wax ay isku diidaan qiimaha Madaxwaynihii Ninkan kama helin wax aan qosol ahayn iyo layaab waxaanu u maleeyay ba inuu odaygu waalan yahay Waxa uu go'aansaday inuu ka tago kadib wuxuu filayay inuu odaygu ka daba yeedho, odaygiina ismaba wareerine aayar ayuu iska fadhiistay kursigiisii. Wax uu Madaxwaynihii suuqii Wareego wuxuu xasuusanayay xikmadii Ahayd(KA FIIRSO INTA AANAD FALIN). Waxba yaan hadal kugu daaline madaxwaynihii wuu ku soo Noqday waxaanu Go'aansaday inuu Iibsado Looxaas. Odaygii ayuu kusoo Noqday inta aanu ka iibsan ayuu odaygii idhi Hal Heshiis uun baan kaaga iibinayaa
Madaxwaynihii: Haye waa maxay?
Odaygii: Waa Hadii aad odhaahdaa ku Qorayso Albaab walba iyo shay walba oo gurigaaga Yaala. Madaxwaynihii Waa Ka aqbalay arrinkaas.
Kadib Waxa uu ku qoray Meel walba oo Qasrigiisa ah.
Wakhtigii Wuu isguray Ayaamuhu Xoog Ayay u socdeen Waxaa ka soo wareegtay Bilo.
Abaanduulihii Ciidanka ayaa Go'aansaday inuu Madaxwaynaha ka tuuro xilka oo isagu la wareego Hasa ahaate waxaa isaga iyo kooxdiisi ay isla Garteen in madxwaynaha ay shirqool dil u dhigaan, Waxay Fikiraanba waxa la isku raacay in Rayiislaha Madaxwaynaha ay u adeegsadaan dilkiisa waayo isagu Sakiin ayuu ugu Xiiraya inuu Gawracana way U Fududahay! Rayiislihii ayaa loo Sheegay arinkaasi kadibna isagoo Oo ka Walaacsan ayuu aqbalay.
Waxa La gaadhay maalintii loo Balansanaa in dilka la fuliyo Rayiislihii ayaa Qasrigii imid isagoo ay ka muuqato Jahwareeer aad u fara badan kadibna markuu soo galayba waxuu arkay albaabka oo ay ku qorantahay
(KA FIIRSO INTA AANAD FALIN). kadib caloosha ayaa hurtay Haddana marlabaad ayuu Arkay Isla Qoraalkii Wuu Naxay kadib wuxuu is waydiiyay maxaa looga Jeedaa?. Waxuu is idhi bilaw xiiritaanka kadib wuxuu arkay Kursigii uu ku fadhiisan lahaa madaxwaynuhu oo ay ku Qorantahay(KA FIIRSO INTA AANAD FALIN) kadib aad buu naxay ilaa u dhidid Hooray kadib wuxuu Fur is idhi Sanduuqii Qalabka xiiriida ku jireen oo ay isna ku Qorantahay (KA FIIRSO INTA AANAD FALIN) kadib Buu Is idhi waa lagu ogyahay oo Waxan oo qoraal ahi aday kugu socdaan kadib buu go'aansaday inuu Fashiliyo waanu Fashiliyay oo wuu isdhiibay waanu sheegay xaqiiqadu siday ahayd kadib Abaanduulihii ciidanka ayaa gacanta lagu dhigay oo la xidhay, Isagiina Cafis ayaa loo fidiyay.
Madaxwaynihii oo ogsoon in Xikmadii uu tukaanka ka soo iibsaday ay Dil ka badbaadisay ayaa go'aansaday inuu dib ugu Laabto Odaygii iyo tukaankiisii si uu uga soo iibsado xikmado kale Abaalmarina u geeyo.
Nasiib Daro markuu Suuqa tagay ayay Dadkii suuqa joogay u sheegeeen inuu Odaygii Geeriyooday!


Tuesday, October 13, 2015

WUXUU RABAY INUU FASAHAADIYO, WAXAY SABAB U NOQOTAY HANUUNKIISA.




Maxaa ka qurux badan wakhti tagay, Waxaan Isku dayay inaan xasuusto Caruurnimadaydii aan habayaraate wax danbiya lahayn, Waxaan Hadana isku Dayay inaan xasuusto oon Hadana ka cararo Dhalinyarnimadaydii dhibka iyo Danbiga Badnayd.
Markaan Gaadhay 15jir Waxaan tartan xoogan ii galay inaan maro laba dariiq Kuwaas oo kala ah Dariiqa Khayrka iyo Dariiqa Sharka,  Nasiib Xumo Dariiqii Sharka ayaan Raacay. Shaydaan ayaa dariiqaas igu soo riday Ana  Waan Raacay Ilaa Magacaygii Marka La maqlo shar uun la sawiran jiray!.


Dharaaroka mid ah dharaarahaas Gabadh aan jaar ahayn oo ku Noolayd Xaafadda aan daganahay ayaa aad ii soo eegi Jirtay waloow aanan anigu garanayn eegmadaasi waxay tahay Haddana Ma ahayn mid la odhan karo waa eegmo caashaq ama wax lamid ah toona, inkastoon aaminsaynayba Jacaylka ilayn qalbi-ba ma lihiye.
Hadaba Markaan Dhallinyar badan ka waraystay arinkaas waxay igu qanciyeen inay I jeceshahay  ilaa aan ku fikiray inaan waraaqo jacayl ah u diro laakiin Wax Jawaab ah kama helin arinkaas.
Habeenkii waxaan ahaa mid soo hooyda Daakiraada salaadda subaxnimo Waxaan ahaa qolooyinka iftiinka dharaartii la colka ah.
Habeen habeenadaas ka mid ah ayaan albaabkayga Hortiisa ugu imid Kitaab Adkaar Nabawi ah ku qorantahay, Wajigaygu Cadho Darteed ayuu midab casaan ah isku badallay waxaanan yaqiinsaday in ay gabadhii ii soo dirtay. Waxaan Bilaabay inaan Dagaal La galo talaabadii u horaysay een qaadayna waxay noqotay inaan badalkeeda uga dhigo Hees jacayl ah u qoro maagaceedana raaciyo kuna faafiyo xaafadda oo dhan si looga maadsado Sharafteeduna Hoos Ugu Dhacdo . Waan Qoray Heestii oo shaydaanna dhinaca haysto Waxaanan Ugu Dhiibay Mid ka mid ah Caruurta Xaafada, Isla In yar kadib waxuu iisoo noqday isagoo timir ii sida sidoo kalena wuu  ii sheegay in ay Maanta Soomantahay oo ay Hadiyad ahaan timirtan iigu soo dirtay Fariin ayay iigu soo dhiibatay inay Marka ay Afuraysana ilaahay ii waydiin doonto Inuu Dariiqa Toosan igu soo hanuuniyo.

Timirtii ayaan dhulka ku tuuray cadho darteed. Waxaan Bilaabay inaan ku jees jeeso mararka  ay masaajidka ku socoto ilaa Heer ay Hablaha kale ee xaafaddu ku qoslaan aan gaadhsiiyay,  Laakiin iyadu ma ahayn mid dhag u dhigta.
Ayaamuhu Way is dabasocdeen Waxaan is arkay inaan kufashilmayo iskudaygii oo dhan Waayo markasta waxay  ii soo Hadiyayn jirtay Kutub diini ah Maalin kasta oo ah isniin ahna way soomi jirtay Timirna way ii soo Diri Jirtay. anigoo is odhan jiray Sawtan kuu Soo Dabciwayday ilayn Nin xumaani u Cadahay ayaan ahaye.

Waxay Sidaa Ahaatoba Waxaan Go'aansaday inaan Waddanka Dibadda uga Baxo oon Fasax yar Qaato si aan u soo Helo Farxad iyo ciyaar Dhalinyarnimo oo aanan ka Helin Wadankayga, Waxay qaadatay arinkaasi afar Bilood Haddana Gabadhii Fikirkeedii ayaa igu suuli waayay mar walba waan ku fikiri jiray waxaana xoog iiga yaabisay sida ay ugu badbaadi jirtay dabinadii aan u dhigi jiray si ay xumaan ugu    dhacdo  
Waxaan Damcay inaan wadankii ku soo laabto Si aan Halkaygii uga sii Wado Arrimihii Xumaa oon Gabadhiina Khayrka u seejiyo kana Dhigo mid Sharka la rafiiq ah.
Wakhtigii Balanta safarkaygu waxay ahayd maalin Khamiis ah  goor ay ku beegantahay cadceed dhac ayaa dayuuradda dhexdeeda la iigu keenay timir iyo shaah markaas ayaan xasuustay in ay tahay khamiis maalmihii ay soomi jirtay gabadhii, Run ahaan timirtii maan cunin ee kaliya shaahii uun baan cabay.
 Waxaan soo Cago dhigtay Wakhti duhur  ah waxaan soo Raacay Gaadhi kiro ah Waxaan imid Xaafadii oo ay isoo Booqanayeen dhamaan Asxaabtaydii Xumayd waxaan u siday hadiyado aan anfacayn qiimahooduna Qaali yahay.
Wakhtigii salaadda ayaa la gaadhay anigoo u kacay dhinacaa iyo Masjidka agtiisa si aan gabadhii ula kulmo. Sidii aan u sugayay salaaddii ayaa dhamaatay walina indhaygii ma qaban Gabadhii, Waan Iska soo laabtay waxaanan is idhi malaha intii aad safarka ku maqnayd ayay Gabadhiiba is badashay oo waaba sidaan rabay!.
Gurigii ayaan iskaga soo laabtay, anigoo buugg aan lahaa baadhaya ayaa si kadis ah iiga soo dhex baxay buugg ay dusha kaga qorantahay Hadiyad ka socota walaashaa Hoostana  Karaacisay Qoraal ah
  اهداء اليك لعل الله يهديك الي صراط المستقيم
  macnaheeduna tahay ''waan kuu Hadiyadeeyay laga yaabaa in ilaahay kugu soo Hanuuniyo Dariiqiisa Toosan' 
Waxaan Waydiiyay Cidii Guriga sii Joogtay Cidda Buuggan keentay laakiin wax jaawaab ah ma helin.
 Maalintii labaad ayaan damcay inaan buuggii qaaddo oon gabadhii u celiyo si aan ugu soo idhaahdo uma baahni. Waan tagay masaajidkii waxaan kala kulmay sidii shalay oo kale, Waxaan Tagay Xaafadeeda agteeda si aan ula kulmo, anoo waydiiyay Caruur ku ag ciyaarsay guriga Waxaan suaalay Ma joogtaa gabadhii? Waxay iigu jawaabeen waa maxay suaasha aad na waydiisay Malaha Waad ka maqnayd Xaafadaha?!.
anigoo fajacsan ayaan idhi Haa waan ka maqnaa,
Waxay iigu jawaabeen: Masajidka ayay ku Geeriyootay ayada oo sujuudsan Mudo kabaddan laba Bilood.

Markii aan arinkaas Ogaaday waxa igu dhacay yaab iyo jahwareeraad u baddan, Qalbigaygiina wuu qoyay waan ooyay Waxaanan is waydiiyay waxan aan la ooyayaa ma dhimashadeedaa? Mise waa khaatumo wanaageeda?  Runtii waan garan waayay sababta ay ilimadu iiga imanayso. Waxaan u soo dhaqaaqay dhinaca gurigayaga anigoo aan kala garanayn jiho aan u socdo waxaan imid albaabkaygii waan garaacay h anigoo moogan in furihii jeebkayga ku jiro,
 Waxaan galay xusuus dheer waxaan soo xasuusanayay Eegmadeedii  bariga ka ahayd xumaan oo dhan anigoo xaqiiqsaday in ay ku dheehnayd  Raxmad iyo wanaag ay ila jeclayd iyo in ay ku hammiyi jirtay siday iiga dhex saari lahayd xumaanta aan ku jiro oo dhan , illaahayna ii waydiin jirtay samme.
Waxaan go'aansaday dhimashadeedii kadib inaan ka fogaado ehelkaygii iyo dhamaan dadkii aan la noolaa oo aan ku noolaado meel ka fog meeshan aan ka haysto xuusahahaa murugoda iyo xannuunka leh.
 Waxaan noqday mid salaadda ku xidhan aniga oo saaxiibaddii xumaana ka fogaaday haddana Qaar ka mid ah way I waydiiyeen sababta aan uga fogaaday balse cidna ugama sheekayn arinkaas. Waxaan ahaa mid caadaystay akhriska kitaabkii ay ii hadiyadaysay oo  mar walba aan akhriyi jiray, Waxaanan ilaahay waydiisan jiray Dambi Dhaaf iyo Raxmad waayo Gabadh markasta Hanuunkayga jecelayd ayaan ana Fasahaadkeeda jeclaa waayo gabadha markasta jeclayd inaan illaahay u dhawaado ayaan jeclaa in ay illaahay ka fogaato,  Waxaan se ka jeclaa in ay indhaheeda ku aragto isbadallkan igu dhacay Waan  Hubaa inay ku Farxi lahayde.
Waxaan U rajaynayaa in ilaahay u Naxariisto Marlabaadna aan janadda ku kulano kulan ka khayr badan kulanka maanta.

WaxaTurjumay: Khalid Mohamed saeedKhaloudy
QisasTawbatuilaLaah.

Saturday, October 10, 2015

Khaalidkhalouy.blogspot.com
Bartan waxaad ka akhrisan kartaa ama kala socon kartaa Dhamaan Qoraaladayda kuwa ugu danbeeyay, sidoo kale waxaad kala socon kartaa cilmi baadhis, sheekooyin mala'awaal ah, maqaalo, iyo barnaamijyo xiiso leh.

Tumaalku Waa Tog Irmaan, W/Q: Khalid Maxamed Siciid “khaloudy”
Waa wax lagu farxo in Bulshadeenna ay ku jiraan Dad iyagu la yimid hindsaha , farsamooyinka iyo Qaabaynta birta oo laga sameeyo dhammaan agabka aynu isticmaalno, waxase ayaan darro ah in bulshada inteedii kale takoorto halka ay la garab istaagi lahaayeen hiil iyo hooba.Sawirkayyy
Xalay oo aan ka qayb galay barnaamij daaran oo ay soo agaasintay xarunta dhaqanka ee Hargaysa, Barnaamijkaas oo la magac baxay “Tumaal iyo Wax tarkiisa” Waxa barnaamijka marti ku ahaa wariyaha ama barnaamij soo saaraha caanka ah ee Maxamed Xasan cali “Waji”. 
Barnaamijkan oo ka koobnaa qaybo kala duwan ayaa lagu soo bandhigay dhamaan agabkii ay tumaalku samayn jireen agabkaas oo dhamaan ku sharraxnaa masraxa, sida aan ka warqabo agabkaas waxa sameeyay oo soo ururiyay maxamed xasan cali “Waji” uguna deeqay xarunta Dhaqanka Laguna kaydiyay agabkaas oo ahaa kuwii loo adeegsan jiray dhinacyo badan kana qayb qaadan jiray hab nololeedka bulshada. Ayaa u muuqday qaar gabaabsi ah oo aan la helin agabka halkaa lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa :Daawe, Halqaban, digsi, Tanag, mindi, waran , Murjin, tooray, Gudin, Hoos qor , gudin quraar, Maxaadh, malaas, girgire, sanduuq, katabaan, nugi, Maraashi. IWM.
Qalabkan oo dhammaan iskugu jira Agabka Guriga, agabka qurxinta guriga, agabka qurxinta dumarka, agabka dagaalka, iyo agabka beerta. Ayaa guud ahaanba aan waddanka laga isticmaalin sidoo kalena dadkii inoo samayn jirtayna aynu ka dhignay bulsho aan yaraysano waxtarkoodiina aynu ugu badlanay takoor iyo hayb-sooc sababay inay noqdaan bulsho hagardaamo huq iyo ciilba ku nool dhaqaale ahaanna liidata,
Hadaba xalay mar waji la waydiiyay maxaa sababay arimahaas wuxuu ku jawaabay “ Haddii qof inaga mid ah oo ragannimo leh aynu maxbuus ka dhigno qolna toban cisho ku xidhno toban qof oo inaga mid ahina maalin walba isku waydaartaan oo qof walba ku idhaa Waxba ma tihid runtii wuxuu qolkaas ka soo baxayaa isaga oo duuf leh”.
Hadaba hagardaamada bulshada inteeda kale u gaysato iyo sababta ay ugu gaysato oo mudo badan aan anigu ku jahwareeray oon marar badan naftayda ugu jawaabay “ Lax Walba halka ay is dhigto ayaa lagu qawracaa” ayaa kulankan wax badan igaa iftiimeen fikradahii bulshada kala duwan aan kala soo dhex baxay in markii gumastihii ingriisku waddanka soo galay ay ahaayeen bulsho waxtarkeeda la manaafacaadsado markuu arkayna in dadkani horumar samayn karaan uu ku diray dhamaan bulshadii kale isagoo ka dhigay dad liita, dadka farsamadan ku shaqaystaana ay yihiin dad aad u hooseeya isaga oo maanta ama maalinkaas uu tumaalku ahaa ninka bulshadu ku tiirsantahay haddana marnaba gumaystuhu ma rabin in umadeenu horumar ama tadawir xadaaradaysan gaadho, nasiib darro wayn ayay tahay in bulshadii maalintaa joogtay iyo bulshada maanta joogtaaba ay ka kori wayday fikirkaa gumaysigu rabay in ummadeena ku curyaamiyo, waloow maalintaas aynaan ahayn dad aqoon leh laakiin maanta oo aynu noqonay dad waxbartay maxaa ka dhigay fikirkaas mid baaqi sii ah?.
Hore soomaalidu waxay u tiri biyo daatay dabadood la qabay, ma kula tahay in aqoonteenna maanta gaadhsiisan tahay in aynu kala fahmi karno fikirkaas aan salka iyo raadka lahayn ee gumaystuhu inagu curyaaminayay?
Haddaba intii aan ku gudo jirnay barnaamijkan oo bandhigaas ka sokow u badnaa soo jeedin iyo su’aalo ka imanayay dhalinyarada, dumarka, duqayda iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashi kulankaas ayaa u badnaa su’aalo dhiirigalin ah.
“Awoowyaashay iyo odayadii iga horeeyay hadday arki lahaayeen kulankan iyo sida aynu isku dhex fadhino eed waliba dhagihiin nagaga dhagaysanaysaan waxqabadkayga Farxad ayay ooyi lahaayen! Taa badalkeeda oo ahayd wakhtigoodii fogayn iyo takoor ay la kulmi jireen” waxa uu hadalkaasi ka soo maaxday Maxamed xasan cali “Waji”.
Wiil lagu magacaabo cabdiqani cabdilaahi oo ka soo baxay kuliyadda caafimaadka ee camuud ayaa su’aal aad u dhiirigalisay waydiiyay marti sahraftii “ma laga yaaba ka dhakhtar ahaan ama bulsho waynta kaleinaad naga soo qayb galisaan geeddiga aad waddaan ama se ma laga yaabaa inaad noo samaysaan qalabka aan u isticmaalno qalliinka oo u badan qalab bir laga sameeyay sida Maqas iyo waxyaabo la hal maala” waji ayaa jawaab aad u qurux badan oo qiimo leh siiyay “waa alle mahadii hadii aan haysto dad sidaa u fikiraya waanan soo dhawaynayaa cid kasta oo ka qayb qaadanysa marnaba idin fogayn mayno”.
Bulsho waxay horumar gaadhaa marka ay tumaalkeeda horumariso, tumaalku maanta wuxuu dawladaha horumaray ka joogaa mansab iyo meeqaam sare ahna laf dhabartooda horumarineed, bulsheed halka innagana uu dabar go’ay.
Kulankan oo loo riyaaqay ayaa ku dhamaaday jewi farxadeed, aniga oo markii horena fikir khaldan la fadhiistay kursiga ayaa ka soo kacay aniga oo u arkaya in ay bulshadu mid tahay. Bulshada inteeda kalena alle ha garansiiyo in bulshadu ay siman tahay ilaahayna isku dheelli tiray.

W/Q: Khalid Mohamed said “khaloudy”
Email: Khalidfarxan@gmail.com
Facebook: Khaloudy Mohamed sa’eed