Monday, November 16, 2015

Safar: Laaso-dacawo, Deegaankii barwaaqadda.

Waxaan fasax todobaadkayga ku qaatay Deegaanka Laaso-Dacawo oo ah degaaan Beereed. Waa degaan aanad ka xiiso goyn karayn waa degaan nafta aad ku nasin kartid sababta oo ah waxaad helaysaa hawo saafi ah dallagii beeraha oo baytmaal ah
sidoo kale waxaad ku raaxaysanaysaa Quruxda uu alle ku manaystay Buuraha silsiladda Ah ee Golis ee dhinac walba Kaga Hareeraysan,
Beeraha sida Quruxda Baddan ee Sida Fiican looga Shaqeeyay, Dooxyadda Ay biyuhu Sida Quruxda baddan u dur-durayaan.

Waxaanad marnaba ka xiiso Goyn karayn Cododka Jabaqda san ee shimbiraha, raha iyo hawadda oo si wada jir ah dhagahaaaga ugu soo dhacaya isla markaana samaynaya Hab dhac ka qurux badan kana farshaxan wanaagsan Muyuusiga Soodaanta ''Sudanese Rythm''.

"Xaabo aan ugu talogalay in aan ku samaysto bun iyo casho fudud"
Waxa Kale ood ku raaxaysanaysaa Cadceed dhaca dhanka Galbeed oo Sida aad u daawanayso aad mar qudha ku war helayso ayadoo hoos martay buurta Gacan libaax oo galbeedkaaga ka muqanaysa. Waxba yaan hadal kugu daaline Cadceedu Mar haday dhacdo waxa i sugaysa inaan Cashadii Samaysto Jabba waaka Danbeeyee.

Habeenkii waxaa dhacda neecaw qabaw oon dhaxan ahayn balse dhexdhexaad ah. Cirku waxaa ku gaddaaman xiddigo kuwaas oo dhulku Qurux u yeelaya.
Dhagahaaga kaliya waxa ku soo dhacaya ruxunka Beerta iyo waliba cida raha iyo jiriqaaga.




Isku soo wada duuboo waa wakhti aad u fiican ahna fursad aad u qaali ah qofkii helaana ku raaxaysan lahaa Bari ayaan ku soo laaban doonaa Magaaladaydii si aan nolol maalmeedkaygii halkii uga sii wato.
Balse inta aan tagin waxaan sii Marayaa oo iyadna safarkayga Ka mid Ah inaan Booqdo dhulka ugu qadiimsan somaliland oo ah LAAS-GEEL oo ay ku sawirayihiin Aasaar iyo farshaxano qadiim ah oo lagu qiyaasay 6000 oo sanno ka hor. Inta Ka horaysa waxaan idinka rajaynayaa in aad ducada soo martaan Saffarkuna khayr iigu soo dhamaado Nabbadeey.



FG:- "Maqaalkan iyo Taariikhda Deegaankaas oo Tafaqyotiran iyo waliba muuqaalo iyo sawiro qurux badanba waxaaan idinla wadaagi doonaa Dhawaan haddii alle idmo"