Saturday, June 4, 2016

DHAMBAAL KA SOCDA JIILKA DHALAN DOONA!


"Hadalo ka soo baxaya af aan wali dilaacin, fikiro dhex mushaaxaya maskax aan wali amabaqaadin, indho aan wali ifka u soo bixin, jidh aan dareemin milica cadceeda, san aan wali carfin udduga ubaxa, Haddana qaabaynaya nolosha uu ku noolaan lahaa". 

W/Q:KHALID MOHAMED SAID

Laga yaabaa in la idiin kala sheekeeyay, laga yaabaa in aad ku kortay deegaan ku xardhan midabyo kala duwan, laga yaabaa in aad qol madow ugu jirto beelaysi aan macno ku fadhiyin, laga yaabaa inaad fikirkaaga iyo cududaada siisay siyaasi aan dantiisa moogayn, laga yaabaa in aanad wali u soo if bixin quruxda dabiiciga ah ee adduunka, laga yaabaa in aanad wali indho dilaacsan oo fikirka


tolmoon aad ka arag la'dahay, laga yaabaa in aad ka hayaantay dhulkaagii Hooyo, laga yaabaa in aad ka nixisay hooyo u heelanayd horumarkaaga, laga yaabaa in aad ka farxisay danayste aan dan kaa lahayn, laga yaabaa in aad musuqmaasuq ka carartay, laga yaabaa in aad cadaalad darro ka cadhootay, laga yaabaa inaad u fikiri wayday si togan, laga yaabaa inaad isleedahay ii hiili, laga yaabaa in lagu jiho wareeriyay ood kala garan wayday jiho aad u socoto, laga yaabaa in hore aan looga fikirin aayahaaga danbe, laga yaabaa in aad walaalkaa u damqan wayday, laga yaabaa in aad ka wayday garabkaad ku lahayd, laga yaabaa inaad ku gubatay dab shisheeye dhigay, laga yaabaa in aad ii garaabi waydo.


balse hadaladan aan ku hadlayaa waa hadalo ka soo baxaya af aan wali dilaacin, fikiro dhex mushaaxaya maskax aan wali amabaqaadin, indho aan wali ifka u soo bixin, jidh aan dareemin milica cadceeda, san aan wali carfin udduga ubaxa, Haddana qaabaynaya nolosha uu ku noolaan lahaa, ka digtoon hagardaamooyinkii aad la kulantay, raba in uu qayrkii la tartamo raba in uu walaalkii jeclaado, raba in uu ku noolaado milgo iyo sharaf, raba in uu calankiisa kor u qaado, adduunku waa hadhkaa labadiisa galine shalay haddaad ku madhatay badaha waawayn maalin anigaa ku noolaan doona nolol aanad waxba iiga tagin. Aniga oo gacmaha is haysta aniga oo is jecel kuna midaysan fikrado bilaa turxaan ah. Aniga ayaa la dood dhigan doona caalamka intiisa kale, aniga ayaa la babac dhiganaya qayrkay.
Adiga kaagama baahni in aad i waaniso waayo waan ogahay xaalka aad ku sugantahay iyo taloda aad ka dhaxashay kuwii kaa horeyeeyay in ay midho dhal noqon wayday balse anigu safxad cusub oo nolosha ah ayaan bilaabanaya aniga ku bilaabi doona jacayl.


Waxaan arkaa saadaal wacan yididiilo cusub iyo qorax cusub oo ii dhalan doonta, farxad iyo jacayl u dhaxayn doona ummad iyo deegaankeed, Hooyo iyo ilmaheed, cadaalad ka soo if bixi doonta deegaan kharibnaa balse dhiig cusub lagu shubay. Waxaan noqon doonnaa tamar iyo awood cusub, cudud midaysan iyo nolol ii qalanta. Adiga waxaan kugula tallin lahaa in aanad is idhiibin ilaa aan ka imanayo in yar baa ka hadhee Hinji!.