Wednesday, July 27, 2016

MAXBUUS W/Q: Khalid Mohamed Said (Khaloudy)


MAXBUUS



Ma aan ahayn mid fahma ujeedka nolosha balse waxa aan u noolaa in aan naf kale fikirkeeda, iyo hindisaheeda ku noolaado. Haa waxaan ahaa Maxbuus, waxa aan ku jiray jeel cid aad miciinsato aanad helayn, waa jeel ku yaalay badweyn dhexdeed waxa igu hareeraysnaa biyo dhanaan kaliya argaygana waxa u muuqday maddawga badda, hirarka hab dhaca sameeyaa waxa ay iila dhigmeen haar iyo hantaawilif, ma aan lahayn dareen aan ku dareemo nolosha iyo macaankeeda sidaas oo kale waan laxaad beelay haddana waan laxaad qabay.

Maanta sariir ayaan badhtanka u saaranahay wax dhaqaaq ah ma lihi waxa I ritay xanuuno aan muddo dheer la il-darnaa, dhamaan ehelkaygii wuu igu soo dul xoonsanyahay, ishaydu dhinac walba waxa ay qabanysaa ama ay dheehanysaa dad aan soo wada qaadanay wakhtiyo kala xusuus iyo xadanto badnaa farxad iyo raynrayna dheertahay, dareenkayga iyo kooduba maanta wuu ka duwanyahay oo wajiyadooda murugo xoogan ayaa ka muuqata, waxa ay ka dhiiloonayaan xaalladan adag ee aan ku suganahay ee ayna waxba ka qaban karayn. Gacanta middig waxa aan haystaa Aragsan oo ah gabadh aan abti u ahay oo aad mooddo inaan ubadkaba ka xigsan jiray. Marka aad muuqaalkayga u soo noqoto cadkii jiidhkayga ku dahaadhnaa waxba kama sii muuqdo lafahaygana waa aad dheehan kartaa, korka waxa aan ka xidhanahay garan ama hu’ uu ku sawiranyahay inkaar qabihii aan maxbuuska u noqday kaas oo igu sabaalayn jiray iguna sooryayn jiray inaadeer iyo hadaladii booraanta igu riday isaga oo yoolkiisu ahaa sidii uu sallaanka iiga dhigan lahaa, haa siyaasi ayuu ahaa oo maantaba dadka igama yaqaan, lama filaan haddaan isha qac ugu siiyay sawirkiisa anfariirkii aan ka qaaday iyo saskii aan sasay ehelkay waxa ay moodeenba in ay naftiiba iga suushay.

Marka aad eegto xaaladayda iyo ninkan aan korka ku sitaa waa labo aan islahayn, balse way jirtay maalmo aniga oo awood iyo tamarba leh isaga dartii  dad u nacay dadna u jeclaaday una soo dhawaystay, fikirkiisana aan u qaatay dadnimadiina uga doorbiday reernimo, xaaladayda oo u dhaxaysa geeri iyo nolol sakaraadkiina la socdo ayaan haddana markaan sawirkiisa isha ku dhufto kolba aan soo hinqanayaa waxa ii waheliya mawjado xasuuso ah oo igu soo laba kacaya qoomamona way ii dheertahay,waydiimooyin faro baddan ayaa kaskayga ku soo dhacaya oo ay ka mid yihiin toloow wakhtigan xaalkaaga ma la socdaa mise xumaantii aad ku ogayd ee aad ku jeclaatay ayuu ku dhex jiraa?. Waxaan kolba leeyahay yaa awood ku siiyaa aad sawirkiisa iska qariside haddana waxaan leeyahay yaa wakhtiga inyar dib kuugu soo cesha aad camalkaagii hore hagaajiside ma hubo inaan  daqiiqadan aan noolaan doono, ma hubo in saacad naftu igu sii jiri maalmona hadalkoodaba daa, Haddii aan sannad dib u noqon lahaa maan ahaadeen sallaan sidoo kale maxbuusna umaan noqdeen, isbedel ayaan samayn lahaa waanan Xoroobi lahaa.


















W/Q: KHALID MOHAMED SAID “KHALOUDY”
ALLEEN: 063-4459259

WWW.KHALOUDYM.BLOGSPOT.COM