Tuesday, October 25, 2016

Xaq bay u leeyihiin! W/Q: Khalid Mohamed Said

Hurdo ayaan iska waayay oo kolba dareenno fikir wata ayaa maskaxdayda ku maaxaya, nin fikiray iyo hurdona kala dheer. Waxa aan is waydiinayaa maxaa qorshe kaaga yaala nolosha mar haddii aad is waajahysaan nolosha dhabta ah?. waan faraxsanahay oo waan fantasiyaynayaa subaxa bari ah waayo waxa aan ku labbisanayaa dharka ah toobka madaw iyo koofiyada madaw ee loogu talo galay qalinjabinta. Waan xasuustaa oo maalintaan hayaankan soo bilaabayay ma sawiran karayn maalintan barri oo kale ah .
Waxa aan ku barbaaray waqooyiga dhulka soomaalida bilawgii safarkayga,  waxa aan wada bilawnay oo jaal ahayn Yacquub Ciise Muuse oo aanu kursiga wadaagi jirnay,  waloow uu iska shaqaaqo badnaa wakhtigaas, waxaan ku koray deegaan nabad ah ilaa hadda ma sawiran karo colaad iyo sawaxanka aaladaha dagaalka. Waa Eebbe mahadii oo waxaan ku koray deegaan ummaddu adeer iyo abti ii tahay oo waan ka nasiib badanahay wiilka dhul gaaleed ku koray. Waxbarashadaydu habsan may galin hal maalinna gaabis kuma iman.
Markaan yaraa waan maqli jiray soomaalida badh baa dagaallo iyo qaxooti ku sugan, badh baa waayay dadkii ay jeclaayeen, badh baa isu boholyoobay oo kala lumay, Badh baa ku kala filiqsan adduun waynaha. Markaan waynaaday waa dareemay dhibaatooyinkaas oo dhan iyo qiimaha uu leeyahay dhulka hooyo.
Subaxan saaka ah waxa aan ku waa’bariistay  nabad iyo xasillooni, sidii caadada ii ahayd waa aan qubaystay waa aanan labbistay, saaka labbiskaygu waa uu ka gaddisan yahay labbisyadii hore dharka aan xidhanayaana waa ay ka duwanyihiin dharkii hore ee aan xidhan jiray sidii caadada ii ahayd.
Wajigayga waxa markaaba aad ka dareemaysaa farxad rabbaani ah oo aan jilid ku jirin, saaka waxa aan ku labbistay maryihii madoobaa ee qalinjabinta iyo waliba suudh. Waxa aan ku soo dhacay gaadhigii aan ku tagi lahaa jaamacadda Hargeysa oo ah goobta ay ka dhici lahayd xafladda qalinjabintu, inta aanan jaamacadda tagin waa in aan sii maraa gurigii walaashay si ay farxada iila soo qaybsato kaalintii hooyona iigu buuxiso mar haddii aanan nasiib u yeelan in labadii waalidba I ag joogaan ay iga jiraan waddanka dibaddiisa. Waa 6:30pm ee subaxnimo waxa aan shiday idaacadda VOA. Nasiib wanaag waxa barnaamijka subaxnimo daadihinaya walaalkay ama curadka inta ila dhalatay Xuseen Barre, isla markiiba codkiisa ayay dhaguhu soo jiiteen waloow aanu isla habeenkaas telefanka ka wada hadalnay oo uu ii hambalyeeyay haddana si farxad ku dheehantahay ayaan codkiisa u dhagaysanayaa. Barnaamijkan saaka waxa uu ku bilaabay gudoomiyihii jaamacadda Muqdisho oo xilkii wareejiyay 20 sanno kadib, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in jaamacadda la aasaasay 1996kii ilaa wakhtigaasna uu isagu gacanta ku hayay, waxyaabahii iigu layaabka badnaa ee I dhiirigaliyay ayaa ahaa runtii in wakhtiyadaas oo ahayd wakhtiyadii waddanku ugu qalalaasaha badnaa haddana ay waxbarashadu si habsami ah u socotay, sidoo kale su’aasha markiiba ku soo dhacday maankayga ayaa ahayd side ayay suurtogal ku noqon kartaa in ardaydu goob dagaal wax ku barato?.  isaga ayaa afkiisa kaga jawaabay oo waxa uu yidhib “si aan ardaydu u niyad jabin marka jaamacadda iyo agagaarkeeda dagaal ka curto waxa aan samaynay erey bixin cusub oo aan ardayda ku odhan jirnay  (aag baddalasho ayaan samaynaynaa)” waayo dareen ahaan waa ay ka quruxbadantahay waa aan qaxaynaa!. Waxana uu hadalkiisa ku soo afmeeray  “maanta waxa la gaadhay wakhtigii aan ku wareejin lahaa cid kale oo hagta jaamacadda”.  
Runtii inta aan jaamacadda ku jiray Alle ilama kulmin wax iga habsaamiya subax kaliya, halka wiilka soomaaliyeed ee koonfurta joogaana uu maalin walba aag baddalasho samaynayay run ahaantii jidhidhico ayaa markiiba maqaarkayga ka soo if baxday Allah-na waan u mahadnaqay.
Waddo ayaan ku guddo jiraa, qof walbana marka uu arko dharka aan xidhanahay waa uu i salaamaya waa uuna ii hambalyaynayaa laakiin dareenkayga ayaa ah mid baddalan si kasta oo ay ahaato idaacaddii intaa kuma ay eekaan haddana waxa soo galay barnaamij su’aalo ahaa oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si toos ah ay khadka ugu waydiinayeen bulshoda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minisoota ee dalka Maraykanka.
 Barnaamijkaas ka soo qayb galayaasha badankoodu runtii madaxwaynaha waxa ay waydiinayeen su’aalo la xidhiidha siyaasad, Haddaba wiil yar oo 14 sanno jir ah runtiina dhiirranaa ayaa waydiiyay su’aal wali maankayga ka bixi la’  su’aashaas oo igu dhalisay in aan qoro maqaalkan. Waxa uu waydiiyay dhallinta ila midka ah ee ku nool waddanku ma helaan waxbarasho iyo dugsiyo ku filan maxaa kaaga qorshaysan?.  bal sawiro anigu saaka waxa aan xidhanahay Koofiyad madaw iyo toob madaw dhiggayna ma helin waxbarasho oo maba aadin dugsi. Hal mar ayaa uu dareenkaygu isbaddalay oo marlabaad ayay jidhidhico iga soo ifbaxday waxa aan is waydiiyay wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed miyaa aan ay xaq u lahayn in ay waxbartaan oo ay la tartamaan dhiggooda ku filiqsan adduun waynaha?.
Run ahaantii casharka aan maalintaas  idaacadda ka faa’iday waa uu ka qiimo badnaa casharkii aan jaamacadda ku qaadanayay. bulshada Soomaaliyeed maxaa ugu wacan kala filiqsanaanta iyo tafaraaruqa, dilka dhaca iyo boobka?.
 Maanta waxa la soo gaadhay wakhtigii mustaqbal laga fikiri lahaa isbeddelna dhici lahaa, waa maalintii qabyaaladda qaranku ka sarayn lahaa, waa maalintii uu qalinku ka adkaan lahaa qoriga, waa maalintii ay ubadka Soomaaliyeed ay noqon lahaayeen ubax.
Xaq ayay u leeyihiin in ay helaan waxbarasho, nabad iyo xasillooni.

Khalid Mohamed Said (Khaloudy)
Facebook: Khaloudy Mohamed Saeed

063-4459259