Wednesday, February 24, 2016

ARRIN XUMO ABAAR KA DARAN


Abaaro ba’an oo ka taagan goobo baddan oo dalka gudihiisa ah haddan alle waa inaan ugu mahadnaqno kana barino in uu nimcadiisa noo shubo, sidaas oo ay tahay haddana waxa la inooga baahanyahay in aynu u samirno kuweena ay abaartu saamaysayna u ducayno wixii aynu ku dhaanona ku tarno, hal ayaan ka odhan dadkeena ku dhaqan deegaamadda ay abaaruhu saameeyeen, cid wax la waydiisto alle ayaa ugu mudan, baryahan danbe waxa caado noqotay in haddii ay dhibaato la soo daristo ay warfaafinaha mariyaan baaqyo ay ugu baaqayaan hay’ado waydiisanayaana caawimoyin. Ugu horayn waa gaf alle laga galay oo waa arrin mudan in alle dib loogu noqdo isagana laga tuugo wacnaan.




Dawladdu dadaal wayn ayay ku jirtaa guddiga loo xil saarayna  alle ha la garab galo. Balse waxa ii muuqata siytaasiyiin faro badan oo caawimada khalad fahmay ayaga oo caawimo bixin karaya haba yaraato’e hakranaya, haba hakrado’e. caawimadiina siyaasad ka dhigay oo maalinka siyaasi dhigiisa ah oo u xifaaltan dhexyaalo isgu iskii isku xilqaama ee karaankiisa ama awoodiisa ku tabaruca. Ayuu isaguna la soo kala baxayaa ficiltan farobadan bixinayaana intii uu bixiyay dhigiisu in ka badan si uu hadhaw dadka tabaalaysan ugu tar sheegto oo uu idhaa maalintaad dhibaataysnaydeen siyaasi hebel wax buuran idinma tarine anigaa idin taray. Bal alle ayaa loo noqon doonaaye shakhsiyaadkaasi ma dadkii tabaalaysnaa ayay wax u tareen mise way ku taagsadeen isaga oo eegaya dantiisa shakhsi ahaaneed. Waxay ila tahay bulshadii ayaa noqotay barxad lagu ciyaaro oo ninba sida la gudboon ka yeelo.

Siyaasiyiintu laba ha kala saaraan, kow in bulshada ay bari ka maalin matali doonan sidaa darted maalinta dan bulsho timaado in uu dantiisa shakhsi ahaaneed inta uu meel dhigto ka hawl galo arrinkaa bulshada soo wajahay, sidaas ayayna geesinimadu ku jirtaa. Mida labaad ayaa ah, maalinta uu olole galayo ha xifaaltamo hana is xiniinyo taabto tartana ha la galo  dhigiisa hana sameeyo sida uu kolba bulshada ku hanan karo ee uu arko in uu ku soo jiidan karo, laakiin maantu maaha maalinkii ku haboonaa xafiiltan. Waa maalintii aynu ka wada galiilyoon lahayn lana dhibaatoon lahayn walaalaheen waa qayb jiidhkeena ka mid ah.

Alle ha inoo hagaajiyo siyaasiyiinta ka baxay soohdiintii dadnimada ee bahaloobay, alle abaaraha haka dul qaado bulshowaynta soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin hana garansiiyo awoodda alle in ay ka wayntahay awoodda hay’adi leedahay, alle dhamaanteen xaga ha inagu sugo hana inaga yeelo inta xadhigiisa qabsata.