Maxaa ka qurux badan wakhti tagay, Waxaan Isku dayay inaan xasuusto Caruurnimadaydii
aan habayaraate wax danbiya lahayn, Waxaan Hadana isku Dayay inaan xasuusto oon
Hadana ka cararo Dhalinyarnimadaydii dhibka iyo Danbiga Badnayd.
Markaan Gaadhay 15jir Waxaan tartan xoogan ii galay inaan maro laba dariiq Kuwaas
oo kala ah Dariiqa Khayrka iyo Dariiqa Sharka, Nasiib Xumo Dariiqii Sharka ayaan Raacay. Shaydaan
ayaa dariiqaas igu soo riday Ana Waan Raacay
Ilaa Magacaygii Marka La maqlo shar uun la sawiran jiray!.
Dharaaroka mid ah dharaarahaas Gabadh aan jaar ahayn oo ku Noolayd Xaafadda aan
daganahay ayaa aad ii soo eegi Jirtay waloow aanan anigu garanayn eegmadaasi waxay
tahay Haddana Ma ahayn mid la odhan karo waa eegmo caashaq ama wax lamid ah
toona, inkastoon aaminsaynayba Jacaylka ilayn qalbi-ba ma lihiye.
Hadaba Markaan Dhallinyar badan ka waraystay arinkaas waxay igu
qanciyeen inay I jeceshahay ilaa aan ku fikiray
inaan waraaqo jacayl ah u diro laakiin Wax Jawaab ah kama helin arinkaas.
Habeenkii waxaan ahaa mid soo hooyda Daakiraada salaadda subaxnimo Waxaan ahaa qolooyinka
iftiinka dharaartii la colka ah.
Habeen habeenadaas ka mid ah ayaan albaabkayga Hortiisa ugu imid
Kitaab Adkaar Nabawi ah ku qorantahay, Wajigaygu Cadho Darteed ayuu midab
casaan ah isku badallay waxaanan yaqiinsaday in ay gabadhii ii soo dirtay. Waxaan
Bilaabay inaan Dagaal La galo talaabadii u horaysay een qaadayna waxay noqotay inaan
badalkeeda uga dhigo Hees jacayl ah u qoro maagaceedana raaciyo kuna faafiyo
xaafadda oo dhan si looga maadsado Sharafteeduna Hoos Ugu Dhacdo . Waan Qoray Heestii
oo shaydaanna dhinaca haysto Waxaanan Ugu Dhiibay Mid ka mid ah Caruurta Xaafada,
Isla In yar kadib waxuu iisoo noqday isagoo timir ii sida sidoo kalena wuu ii sheegay in ay Maanta Soomantahay oo ay
Hadiyad ahaan timirtan iigu soo dirtay Fariin ayay iigu soo dhiibatay inay Marka
ay Afuraysana ilaahay ii waydiin doonto Inuu Dariiqa Toosan igu soo hanuuniyo.
Timirtii ayaan dhulka ku tuuray cadho darteed. Waxaan Bilaabay inaan ku jees
jeeso mararka ay masaajidka ku socoto ilaa
Heer ay Hablaha kale ee xaafaddu ku qoslaan aan gaadhsiiyay, Laakiin iyadu ma ahayn mid dhag u dhigta.
Ayaamuhu Way is dabasocdeen Waxaan is arkay inaan kufashilmayo iskudaygii oo dhan
Waayo markasta waxay ii soo Hadiyayn jirtay
Kutub diini ah Maalin kasta oo ah isniin ahna way soomi jirtay Timirna way ii soo
Diri Jirtay. anigoo is odhan jiray Sawtan kuu Soo Dabciwayday ilayn Nin xumaani
u Cadahay ayaan ahaye.
Waxay Sidaa Ahaatoba Waxaan Go'aansaday inaan Waddanka Dibadda uga Baxo oon Fasax
yar Qaato si aan u soo Helo Farxad iyo ciyaar Dhalinyarnimo oo aanan ka Helin Wadankayga,
Waxay qaadatay arinkaasi afar Bilood Haddana Gabadhii Fikirkeedii ayaa igu
suuli waayay mar walba waan ku fikiri jiray waxaana xoog iiga yaabisay sida ay
ugu badbaadi jirtay dabinadii aan u dhigi jiray si ay xumaan ugu dhacdo
Waxaan Damcay inaan wadankii ku soo laabto Si aan Halkaygii uga
sii Wado Arrimihii Xumaa oon Gabadhiina Khayrka u seejiyo kana Dhigo mid Sharka
la rafiiq ah.
Wakhtigii Balanta safarkaygu waxay ahayd maalin Khamiis ah goor ay ku beegantahay cadceed dhac ayaa
dayuuradda dhexdeeda la iigu keenay timir iyo shaah markaas ayaan xasuustay in
ay tahay khamiis maalmihii ay soomi jirtay gabadhii, Run ahaan timirtii maan
cunin ee kaliya shaahii uun baan cabay.
Waxaan soo Cago dhigtay
Wakhti duhur ah waxaan soo Raacay Gaadhi
kiro ah Waxaan imid Xaafadii oo ay isoo Booqanayeen dhamaan Asxaabtaydii Xumayd
waxaan u siday hadiyado aan anfacayn qiimahooduna Qaali yahay.
Wakhtigii salaadda ayaa la gaadhay anigoo u kacay dhinacaa iyo
Masjidka agtiisa si aan gabadhii ula kulmo. Sidii aan u sugayay salaaddii ayaa
dhamaatay walina indhaygii ma qaban Gabadhii, Waan Iska soo laabtay waxaanan is
idhi malaha intii aad safarka ku maqnayd ayay Gabadhiiba is badashay oo waaba sidaan
rabay!.
Gurigii ayaan iskaga soo laabtay, anigoo buugg aan lahaa
baadhaya ayaa si kadis ah iiga soo dhex baxay buugg ay dusha kaga qorantahay
Hadiyad ka socota walaashaa Hoostana Karaacisay Qoraal ah
اهداء اليك لعل الله يهديك
الي صراط المستقيم
macnaheeduna tahay ''waan kuu Hadiyadeeyay
laga yaabaa in ilaahay kugu soo Hanuuniyo Dariiqiisa Toosan'
Waxaan Waydiiyay Cidii Guriga sii Joogtay Cidda Buuggan keentay
laakiin wax jaawaab ah ma helin.
Maalintii labaad
ayaan damcay inaan buuggii qaaddo oon gabadhii u celiyo si aan ugu soo idhaahdo
uma baahni. Waan tagay masaajidkii waxaan kala kulmay sidii shalay oo kale,
Waxaan Tagay Xaafadeeda agteeda si aan ula kulmo, anoo waydiiyay Caruur ku ag ciyaarsay
guriga Waxaan suaalay Ma joogtaa gabadhii? Waxay iigu jawaabeen waa maxay
suaasha aad na waydiisay Malaha Waad ka maqnayd Xaafadaha?!.
anigoo fajacsan ayaan idhi Haa waan ka maqnaa,
Waxay iigu jawaabeen: Masajidka ayay ku Geeriyootay ayada oo sujuudsan Mudo kabaddan
laba Bilood.
Markii aan arinkaas Ogaaday waxa igu dhacay yaab iyo jahwareeraad u baddan,
Qalbigaygiina wuu qoyay waan ooyay Waxaanan is waydiiyay waxan aan la ooyayaa
ma dhimashadeedaa? Mise waa khaatumo wanaageeda? Runtii waan garan waayay sababta ay ilimadu iiga
imanayso. Waxaan u soo dhaqaaqay dhinaca gurigayaga anigoo aan kala garanayn
jiho aan u socdo waxaan imid albaabkaygii waan garaacay h anigoo moogan in
furihii jeebkayga ku jiro,
Waxaan galay xusuus dheer
waxaan soo xasuusanayay Eegmadeedii
bariga ka ahayd xumaan oo dhan anigoo xaqiiqsaday in ay ku dheehnayd Raxmad iyo wanaag ay ila jeclayd iyo in ay ku
hammiyi jirtay siday iiga dhex saari lahayd xumaanta aan ku jiro oo dhan ,
illaahayna ii waydiin jirtay samme.
Waxaan go'aansaday dhimashadeedii kadib inaan ka fogaado ehelkaygii
iyo dhamaan dadkii aan la noolaa oo aan ku noolaado meel ka fog meeshan aan ka
haysto xuusahahaa murugoda iyo xannuunka leh.
Waxaan noqday mid
salaadda ku xidhan aniga oo saaxiibaddii xumaana ka fogaaday haddana Qaar ka
mid ah way I waydiiyeen sababta aan uga fogaaday balse cidna ugama sheekayn arinkaas.
Waxaan ahaa mid caadaystay akhriska kitaabkii ay ii hadiyadaysay oo mar walba aan akhriyi jiray, Waxaanan ilaahay waydiisan
jiray Dambi Dhaaf iyo Raxmad waayo Gabadh markasta Hanuunkayga jecelayd ayaan ana
Fasahaadkeeda jeclaa waayo gabadha markasta jeclayd inaan illaahay u dhawaado
ayaan jeclaa in ay illaahay ka fogaato, Waxaan se ka jeclaa in ay indhaheeda ku aragto
isbadallkan igu dhacay Waan Hubaa inay ku
Farxi lahayde.
Waxaan U rajaynayaa in ilaahay u Naxariisto Marlabaadna aan janadda ku kulano kulan
ka khayr badan kulanka maanta.
WaxaTurjumay: Khalid Mohamed saeedKhaloudy
QisasTawbatuilaLaah.