Tuesday, April 5, 2016

Saylac iyo Sacaadadiin. W/Q: Khalid Mohamed Said (Khaloudy)

Saylac waa magaalo xeebeed taariikh iyo xadaarad wayn leh magaalada saylac waa ay ka xadaarad iyo fac wayntahay dhamaan deegaamada soomaalidu dagto. Dhalashadii nebi Ciise ka hor saylac waxa ay ahayd magaalo ganacsi oo ilbaxnimadeedu sarayso.

Saylac waxa soo maray sahamiyihii iyo qoraagii waynaa ee reer Marooko Ibnu Batuuta 1330-kii waxaana uu sheegay in ay ahayd magaalo dhisan oo jirtay. Saylac waxa la sheegaa in ay jirtay diinta islaamka horteed sidoo kalena qarnigii 5aad waxa soo gaadhay asxaabtii rasuulkeena Muxamed (NNKH) ee ka soo hijrootay ama ka soo carartay ciqaabtii reer quraysheed kuwaas oo u soo haajiray ardul xabash ay ka soo dageen dekedda Saylac, Asxaabtii rasuulku waxa ay la kulmeen oo ay arkeen in jihada salaada loo tukadaa ay tahay mid qadiimi ah oo u jihaysan dhankaa iyo qudus lana badalin waxayna u hawl galeen in qiblada loo jiheeyo dhinacaa iyo Maka. Masjidkaasna waxa loogu magac daray masjid Al-qiblatayn




Goobaha Taariikhigaa waxa ka mid ah matxaf (Museum) kaas oo lagu ururin jiray dhigaalada iyo qoraalada taariikhigaa ee Saylac ay leedahay.
 Sida la ii sheegay matxafkana waxa bililiqaystay Talyaaniga kaas oo haba yaraatee aan waxba kaga tagin.

Saylac waxa iskaga danbeeyay maamulo iyo boqortooyin kala duwan kuwaas oo aan ka xusi karno dawladdii cabaasiyiinta, boqortooyadii Adal, gumeystihii Ingiriiska.

Saylac waxa degi jiray qoomiyado fara badan oo ay ka mid ahaayeen carab, Turki, Canfar, iyo Soomaali balse hadda waxa baaqi ku sii ah qoomiyadii Soomaaliyeed oo Kali ah.

Jasiirada sacaadadiin waxa ay qiyaastii u jirtaa 8km dekedda Saylac. Waa jasiirad baaxad aad u wayn leh sidoo kalena eebe ku manaystay qurux iyo dhir kala duwan. Sacaadadiin waa meel nolol ka jiri karto laguna noolaan karo waxa ay leedahay ceelal biyo macaan leh, waxa ku nool xaywaano badeed kala duwan.

Jasiiradda Sacaadadiin waxa ay leedahay jawi daggan kaas oo naftaadu ku xasili karto.
 
Jiho kasta ama dhinac kasta oo aad dheehatana waxaad arkaysaa muuqaalo dabiici ah ama quruxda 
dabiiciga ah ee eebbe ku manaystay dhulkeena,






Quruxdaas oo aan ahayn mid dhallanteed ah balse ah mid dabiici ah.Sidoo kale jasiiradda sacaadadiin waxa ay leedahay kaymo jiq ah kuwaas oo mararka qaar aad ku amban karto.  
Sidaa awgeed Jasiiradda Sacaadadiin waxa ay noqotay dhulka ugu saamaynta baddan een abid arko. 



No comments:

Post a Comment