Wednesday, January 6, 2016

Daraasad lagu ogaaday in Fitamiin “D” uu dawo u yahay cudurada ku dhaca midhicrka wayn




Khubaro sheegtay in dadka ka cawda xanuunada ku dhaca midhicirka wayn (Irritable bowel syndrome IBS)  aanay helin cadceeed ku filan sidaa darteed daraasad ay sameeyeen khubaro ingiriis ah oo ay isku soo dubaridday jaamacadda shifield ee dalka boqortooyada ingiriiska. Waxa ay daraasadoodan ku carabaabeen in 82% dadka u xanuunsanaya xanuunkan aanay helin Fiitamiin D ku filan jidhkooda, Fiitamiin D oo laga helo cadceedda  iyada oo si dabiici ahna looga heli karo cunooyin kala duwan sida caanaha iyo kalluunka.
Bernard  Korf oo ah madaxa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sheegay in 25 kii qof ee u xanuunsanaya ay 23 ka mid ah loo aanaynayo in ay helin Fiitamiin D ku filan.
Cilmi baadhistan ayaa cadayn u noqotay in Fiitamiin D oo aan jidhku sida saxda ah u helin ay sababi karto xananuuada ku dhaca Midhicirka Wayn.
Haddaba akhriste ku dadaal In jidhkaagu helo fiitamiino ku filan si aad uga hortagto xanuuno badan oo saamayn ku yeelan kara noloshaada.
Ka hor-tagu  wuu ka fiicanyahay daawada.

W/Q: Khalid Mohamed Said

Khalidfarxan@gmail.com

 Facebook: Khaloudy Mohamed Said

No comments:

Post a Comment