Sunday, January 3, 2016

Qormada Afrika. Rwanda, Khalid mohamed Said

Rwanda   (Ruwaanda). 

Qormada 1aad                                                                                   

W/Q: Khalid Maxamed Siciid “Khaloudy”

Rwanda waa qaran ka mid ah qarammada afrika, waxa uu dhacaa bariga iyo badhtamaha afrika,

waa dal ay soohdimo wadaagaan Uganda, Tanzania, Burundi iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga

ah ee koongo. Badka uu ku fadhiyo  dalka Rwanda waxa lagu qiyaasay 26,338km2.

Rwanda  waa waddan leh harooyin sidoo kale waa dal buurolay ah, cimilo ahaan waxa soo mara

laba xilli roobaad iyo laba xilli jiilaal.

  Bulsho ahaan Rwanda waa dad tiro ahaan yar kuwaas oo badankoodu yahay qaar deggan

baadiye, Rwanda waxa ku dhaqan dadyow kala duwan  sida Hutu,Tutsi iyo Twa iyaga oo

dhammaan la siku idhaa Bunyarwanda.

Luqadda koowaad ee lagaga hadlo Rwanda waxa lagu magacaabaa Kinyarwanda, waxa soo

raaca Ingriis iyo Faransiis.

Rwanda waxa uu maamulkeedu ku dhisanyahay hab dimuqraadi ah oo leh madaxwayne iyo

dawlad dhisan  oo uu wakhti xaadirkan  hogaamiye ka yahay Paul Kigame oo ka tirsanaa

jabhaddii la odhan jiray “Rwandan Patriot front (RPF)“  isaga oo xilka haya tan iyo 2000.

Rwanda waxa ay ka mid tahay waddamada ugu musuqmaasuqa yar afrika marka loo eego

waddamada ay soohdimaha wadaagaan ama ay jaarka la yihiin.

Rwanda waxa isticmaarku qabsaday sannadkii 1884kii balse dadyawga hutu ayaa sameeyay

kacdoono kala duwan oo ay kaga soo horjeedeen isticmaarka,  tiro yar oo Hutu ah ayaa ku naf

waayay kacdoomadaas , intaas kadib Hutu-gu waxa ay magacaabeen gooni isku taag sannadkii

1962kii, halka Tutsi-gu   hogaaminayeen RPF, arinkaas oo hoggaan u noqday dagaal sokeeye

sannadii 1990kii.

Dagaalkaas oo aakhirkii 1994kiina isku badalay xasuuq, xasuuqaas oo Hutu-gii xag jirka ahaa

qudha kaga jareen  500,000 ilaa 1 milyan oo Tutsi ah  muddo lagu qiyaasay 100 maalmood,

xasuuqan oo lagu sheegay kii ugu xumaa ee abid ka dhaca qaaraddan madaw  kadib is dhago

tirkii beesha caalamka waxa si dagdag ah usoo farogaliyay jabhadii RPF ee oo uu hogaamiyaha

ka ahaa jeneraal Paul kigame  madaxwaynaha haatan, isaga oo adeegsaday  xoog si uu uga

guulaysto una soo afmeero xasuuqaas isaga oo ka adkaaday xoogagii sida naxariis darrada ahayd

dadka ugu gumaadayay rabayna in ay dabar jaraan iyaga oo isticmaalyay Faashash.

Guusha uu hogaamiye Paul kigame horseedka ka ahaa waxa ay u horseeday dadkii reer Rwanda

in ay curiyaan dawalad loo dhan yahay, dawladdaas oo mamnuucday in la is hayb sooco la isna

faquuqo tilmaamtayna in dadka reer Rwanda ay mid yihiin .

Xasuuqaas kadib Rwanda waxa ay la kulantay hoos u dhac dhaqaale oo baahsan, dhaqaalahooga

oo ku tiirsanaa beeraha  sida shaaha, bunka iyo dallagyada kala duwan ee ay dhoofin jireen, 

hadda dhaqaalaha ugu badan waxa uu ka soo gala  dalxiiska iyada oo ay soo booqdaan dadyaw

aad u tiro badan oo ka kala yimaada daafaha dunida meelaha loogu daawashada badanyahayna

waxa ka mid ah buuraha lagu magacaabo “Mountain gorillas” oo ay ka soo xareeyaan dakhli

aad u sareeya. 90% dadku waa beero qodato dhakhligooda lagu qiyaasay 32.5 GDP sannadii

2014kii.

Ruwanda xasuuqii kadib  waxa ay ka mid tahay waddamada dhaqaalahoodu soo korayo, Rwanda

waa dal xasilan oo nabad ah horumarkiisuna maalinba maalinta ka danbaysa  isa soo tarayo ,

Rwanda waxa ay hogaan u noqon kartaa dalal badan oo afrikaan ah sababta oo ah waa ay isa

saamaxeen wax kasta oo ka dhex dhacayna waxa ay ku iloobeen in ay horumar gaadhaan

dawladna ku midoobaan.

Hadda Rwanda 92% Caruurta waddankaas waxa ay tagaan goobaha waxbarashada ama

dugsiyada, taas oo ifafaalo wacan u ah mustaqabalkooda iyo aayahooga danbe.

No comments:

Post a Comment