Friday, January 29, 2016

Qormooyinka Afrika: Q:2aad Nayjeeriya (Nigeria)

Qormooyinka Afrika: Nayjeeriya
W/Q: Khaalid Maxamed Siciid “Khaloudy”
------------------------------------
Jamhuuriyadda fedderaalka ah ee Nigeria (Nayjeeriya) waa dal ku yaalla qaaradda afrika, isla markaana dhaca galbeedka afrika. Waxa uu soohdimo kala duwan la wadaagaa waddamo dhawr ah sida; Benin oo ka xiga dhinaca galbeed, Jad iyo Kamaruun oo iyaguna kaga beegan dhinaca bari, halka waddanka Nayjarna ay ka dhacdo dhinaca waqooyi, xeebta dhinaca koonfureedna waxa ka xiga gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantik.
Juqraafi ahaan waddanka Nayjeeriya waxa uu dhacaa galbeedka gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantic, iyada oo bedka waddanka Nayjeeriyana lagu qiyaaso 923,768 km2 (356,668 SQMI) taas oo uu ku mutaystay waddanka nayjeeriya in uu galo kaalinta 32aad waddamada ugu bedka wayn leh adduunka, waxa ay isku bedyihiin Venuzuella halka ay labadooduba bed ahaan le egyihiiin gobolka Kalifoorniya ee dalka Maraykanka.Buurta ugu Figta sarraysa ee Nayjeeriya waxa lagu magacaabaa Jabal waadi ( Chappal Waddi) taas oo lagu qiyaaso 7,936feet. Webiyada ugu muhiimsan ee mara Nayjeeriya waxa ka mid ah wabiyada Nayjer iyo Benue.
Nayjeeriya waxa ay ka kooban tahay 36 oo maamulkoodu yahay hab fedderaal, caasimadda dalka Nayjeeriyana waa Abuuja. Nayjeeriya waxa ay ka kasoo farcantay oo ila haddana ka joogta boqortooyadii la odhan jiray Millennia.
Wakhtiyadii isticmaarka ama gumaystaha Nayjeeriya waxa gumaysan jirey dalwaynaha Biritayn, gumaystahaas oo qabsaday bilawgii qarnigii 19aad ayaa waxa uu waddanki ukala qaybiyey laba qaybood isagoo ukala saaray Maxmiyadda Koonfureed ee Nayjeeriya iyo Maxmiyadda waqooyi ee Nayjeeriya sannadku markuu ahaa sannadkii 1914.
Nayjeeriya waxa ay xornimadeeda dib ula soo noqotay sannadkii 1960-kii , intaa kadib waxa ka bilaabmay dagaal sokeeye sannadahi 1967 ilaa 1970-kii kaas oo u dhaxeeyey dawladdii hab dimuqraadiyadeed loo soo doortay iyo ciidammadii mileteriga ahaa ee kaligood taliska ahaa, waxana dagaalkaas loo yaqaannay “Baifran war”.
Waddanka Nayjeeriya kolka laba loo kala qaybiyo 50% qayb ka mid ah ayaa Muslim ah oo ku nool waqoogiyaga iyo koonfur galbeed Nayjeriya, halka 40% ay yihiin Kiristaan kuwaas oo ku nool koonfurta waddanka iyo badhtamahaba, halka qaybta soo hadhay ee ah 10% ay yihin dadka diimaha kale haysta.
Nayjeeriya waxa lagu naanaysaa (Cimlaaqa afrika) iyada oo magacaasi ku hanatay tirada bulshadeeda iyo dhaqaaleheeda, waxa lagu qiyaasaa in tirada bulshada wadanka Nayjeeriya ku nooli ay tahay 182 milyan oo ruux, waxana ay ka mid tahay waddamada ugu dadka badan qaaradda afrika, sidoo kale waxa ay ku jirtaa toddobada waddan ee ugu dad ka badan adduunka, iyadoo sidoo kalena ka mid ah waddamada ugu dhallinyarada badan adduunka.
Dhaqaalaha waddanka Nayjeeriya waxa ugu badan ee kaso gala waa wax soosaarka warshadaha oo soo saara 43%, waxa iyaguna door laxaadle ka qaata koboca dhaqaalaha waddankasi beeraha oo iyaguna so saara 30.9%, halka inta so hadhay ee 26% ay so saran adeegyada(service).
Waddanka Nayjeeriya waa waddanka ugu dadka badan qaarda Afrika,inta badan waa waddan aan lagu qaldi Karin ama aan la barbar dhigi karin waddan kale, sababto ah waxa ku dhaqan kooxo dhaqammeed kala duwan oo gaadhaya in ka badan 500 oo kooxo dhaqameed ah oo dhammaantood kala wada duwan. Kooxo dhaqammeedka ama bulshooyinka kala duwan haddi aan laba mada saddex kaso qadano waxa kamida kooxaha Hausa, Igba,iyo Yoruba kooxahasi iyo kuwa kaleba dhammaantood waa kooxo ama bulshooyin kala dhaqano iyo diimo duwanba.
W/Q: Khalid Mohamed Said “Khaloudy”
E-mail: Khalidfarxan@gmail.com
Facebook: Khaloudy Mohamed Said

No comments:

Post a Comment