Wednesday, January 6, 2016

Riyada oo aad ku aragto beed





Waxa laga yaabaa in aad riyo ku riyooto ha fiicnaato ama ha xumaato’e, riyooyinka qaar waa aad xasuusan kartaa subaxii hurdadda ka dib, riyo kasta oo aad ku riyootaana waxa ay leedahay macno ama fasiraad u gaar, sidii nebigu (NNKH) ugu fasiri jiray asxaabtiisii sharafta badnayd.
Haddaba beed ama naalo aad ku aragto riyadaada waxa lagu fasiraa ama waxa ay odoros xoogan u tahay bilowga nolol cusub, waxa kale oo lagu fasiraa dhalasho cusub. Waana ay dhici kartaa In ay rumoobi waydo  mararka qaar.
Kownka waxa ay is shabahaan qaab ahaan beed sidoo kale beedka oo aad riyada ku aragtaana waxa ay shabahaysaa nolo iyo arimo la xidhiidha.
Haddaba  waxa aynu odhan karnaa riyada oo ku aragto beed waxay ay ifafaalo wacan u tahay bilowga nolol cusub iyo talaaabo hore u socod ah, sidoo guul tusaale ahaan, dhalasho ay kuu dhashaan ubad cusub, helitaanka shaqo cusub.


W/Q: Khaalid mohamed Said "Khaloudy"
Khalidfarxan@gmail.com

No comments:

Post a Comment