Friday, January 29, 2016

Qormooyinka Afrika: Q:2aad Nayjeeriya (Nigeria)

Qormooyinka Afrika: Nayjeeriya
W/Q: Khaalid Maxamed Siciid “Khaloudy”
------------------------------------
Jamhuuriyadda fedderaalka ah ee Nigeria (Nayjeeriya) waa dal ku yaalla qaaradda afrika, isla markaana dhaca galbeedka afrika. Waxa uu soohdimo kala duwan la wadaagaa waddamo dhawr ah sida; Benin oo ka xiga dhinaca galbeed, Jad iyo Kamaruun oo iyaguna kaga beegan dhinaca bari, halka waddanka Nayjarna ay ka dhacdo dhinaca waqooyi, xeebta dhinaca koonfureedna waxa ka xiga gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantik.
Juqraafi ahaan waddanka Nayjeeriya waxa uu dhacaa galbeedka gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantic, iyada oo bedka waddanka Nayjeeriyana lagu qiyaaso 923,768 km2 (356,668 SQMI) taas oo uu ku mutaystay waddanka nayjeeriya in uu galo kaalinta 32aad waddamada ugu bedka wayn leh adduunka, waxa ay isku bedyihiin Venuzuella halka ay labadooduba bed ahaan le egyihiiin gobolka Kalifoorniya ee dalka Maraykanka.Buurta ugu Figta sarraysa ee Nayjeeriya waxa lagu magacaabaa Jabal waadi ( Chappal Waddi) taas oo lagu qiyaaso 7,936feet. Webiyada ugu muhiimsan ee mara Nayjeeriya waxa ka mid ah wabiyada Nayjer iyo Benue.
Nayjeeriya waxa ay ka kooban tahay 36 oo maamulkoodu yahay hab fedderaal, caasimadda dalka Nayjeeriyana waa Abuuja. Nayjeeriya waxa ay ka kasoo farcantay oo ila haddana ka joogta boqortooyadii la odhan jiray Millennia.
Wakhtiyadii isticmaarka ama gumaystaha Nayjeeriya waxa gumaysan jirey dalwaynaha Biritayn, gumaystahaas oo qabsaday bilawgii qarnigii 19aad ayaa waxa uu waddanki ukala qaybiyey laba qaybood isagoo ukala saaray Maxmiyadda Koonfureed ee Nayjeeriya iyo Maxmiyadda waqooyi ee Nayjeeriya sannadku markuu ahaa sannadkii 1914.
Nayjeeriya waxa ay xornimadeeda dib ula soo noqotay sannadkii 1960-kii , intaa kadib waxa ka bilaabmay dagaal sokeeye sannadahi 1967 ilaa 1970-kii kaas oo u dhaxeeyey dawladdii hab dimuqraadiyadeed loo soo doortay iyo ciidammadii mileteriga ahaa ee kaligood taliska ahaa, waxana dagaalkaas loo yaqaannay “Baifran war”.
Waddanka Nayjeeriya kolka laba loo kala qaybiyo 50% qayb ka mid ah ayaa Muslim ah oo ku nool waqoogiyaga iyo koonfur galbeed Nayjeriya, halka 40% ay yihiin Kiristaan kuwaas oo ku nool koonfurta waddanka iyo badhtamahaba, halka qaybta soo hadhay ee ah 10% ay yihin dadka diimaha kale haysta.
Nayjeeriya waxa lagu naanaysaa (Cimlaaqa afrika) iyada oo magacaasi ku hanatay tirada bulshadeeda iyo dhaqaaleheeda, waxa lagu qiyaasaa in tirada bulshada wadanka Nayjeeriya ku nooli ay tahay 182 milyan oo ruux, waxana ay ka mid tahay waddamada ugu dadka badan qaaradda afrika, sidoo kale waxa ay ku jirtaa toddobada waddan ee ugu dad ka badan adduunka, iyadoo sidoo kalena ka mid ah waddamada ugu dhallinyarada badan adduunka.
Dhaqaalaha waddanka Nayjeeriya waxa ugu badan ee kaso gala waa wax soosaarka warshadaha oo soo saara 43%, waxa iyaguna door laxaadle ka qaata koboca dhaqaalaha waddankasi beeraha oo iyaguna so saara 30.9%, halka inta so hadhay ee 26% ay so saran adeegyada(service).
Waddanka Nayjeeriya waa waddanka ugu dadka badan qaarda Afrika,inta badan waa waddan aan lagu qaldi Karin ama aan la barbar dhigi karin waddan kale, sababto ah waxa ku dhaqan kooxo dhaqammeed kala duwan oo gaadhaya in ka badan 500 oo kooxo dhaqameed ah oo dhammaantood kala wada duwan. Kooxo dhaqammeedka ama bulshooyinka kala duwan haddi aan laba mada saddex kaso qadano waxa kamida kooxaha Hausa, Igba,iyo Yoruba kooxahasi iyo kuwa kaleba dhammaantood waa kooxo ama bulshooyin kala dhaqano iyo diimo duwanba.
W/Q: Khalid Mohamed Said “Khaloudy”
E-mail: Khalidfarxan@gmail.com
Facebook: Khaloudy Mohamed Said

Sunday, January 10, 2016

Lamaane taariikh reebay, (Taaj Maxaal) W/Q: Khalid Mohamed Said



Magacaantoodu ma aha kuwo sidaa u caan ah balse jacaylkooda ayaa noqday sheeko maalmeed ay ku sheekaystaan cid walba oo jacayl ka hadlaysaa.

Shah Jahan iyo Mumtaz Mahal waxa ay ahaayeen kuwo jacayl xad dhaaf ahi ka dhexeeyo kuwaas oo guur wadaagay isna jeclaa ilaa ay mumtaz ka geeriyootay ayada oo u dhasahy 14 ubad ah.

 Shah Jahan geerida ooridiisa ama jacaylkiisu waxa ay ku yeelatay saamayn dareen iyo mid jidh ahaaneedba.  Balse murugadaasi waxa ay ku boorisay in uu dhiso mid ka mid ah dhismayaasha ugu wayn uguna farshaxansan sidoo kalena ugu caansan dunida, isaga oo ugu talo galay In uu ka dhigo dhigaal taariikheed oo uu u hibeeyay xaaskiisa uu aadka u jeclaa goobtaas waxa lagu magacaabaa “Taaj Maxaal” oo ku taal dalka hindiya. Haddaba dhismaha taaj maxaal  kadib shah wuu xanuunsaday, intaa wixii ka danbeeyay waxa uu hooy uu ku nasto ka dhigtay daartay uu xaaskiisa u hibeeyay halkaas oo uu kama danbayn ku geeriyooday laguna ag aasay xaaskiisa.

Wednesday, January 6, 2016

Daraasad lagu ogaaday in Fitamiin “D” uu dawo u yahay cudurada ku dhaca midhicrka wayn




Khubaro sheegtay in dadka ka cawda xanuunada ku dhaca midhicirka wayn (Irritable bowel syndrome IBS)  aanay helin cadceeed ku filan sidaa darteed daraasad ay sameeyeen khubaro ingiriis ah oo ay isku soo dubaridday jaamacadda shifield ee dalka boqortooyada ingiriiska. Waxa ay daraasadoodan ku carabaabeen in 82% dadka u xanuunsanaya xanuunkan aanay helin Fiitamiin D ku filan jidhkooda, Fiitamiin D oo laga helo cadceedda  iyada oo si dabiici ahna looga heli karo cunooyin kala duwan sida caanaha iyo kalluunka.
Bernard  Korf oo ah madaxa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sheegay in 25 kii qof ee u xanuunsanaya ay 23 ka mid ah loo aanaynayo in ay helin Fiitamiin D ku filan.
Cilmi baadhistan ayaa cadayn u noqotay in Fiitamiin D oo aan jidhku sida saxda ah u helin ay sababi karto xananuuada ku dhaca Midhicirka Wayn.
Haddaba akhriste ku dadaal In jidhkaagu helo fiitamiino ku filan si aad uga hortagto xanuuno badan oo saamayn ku yeelan kara noloshaada.
Ka hor-tagu  wuu ka fiicanyahay daawada.

W/Q: Khalid Mohamed Said

Khalidfarxan@gmail.com

 Facebook: Khaloudy Mohamed Said

Riyada oo aad ku aragto beed





Waxa laga yaabaa in aad riyo ku riyooto ha fiicnaato ama ha xumaato’e, riyooyinka qaar waa aad xasuusan kartaa subaxii hurdadda ka dib, riyo kasta oo aad ku riyootaana waxa ay leedahay macno ama fasiraad u gaar, sidii nebigu (NNKH) ugu fasiri jiray asxaabtiisii sharafta badnayd.
Haddaba beed ama naalo aad ku aragto riyadaada waxa lagu fasiraa ama waxa ay odoros xoogan u tahay bilowga nolol cusub, waxa kale oo lagu fasiraa dhalasho cusub. Waana ay dhici kartaa In ay rumoobi waydo  mararka qaar.
Kownka waxa ay is shabahaan qaab ahaan beed sidoo kale beedka oo aad riyada ku aragtaana waxa ay shabahaysaa nolo iyo arimo la xidhiidha.
Haddaba  waxa aynu odhan karnaa riyada oo ku aragto beed waxay ay ifafaalo wacan u tahay bilowga nolol cusub iyo talaaabo hore u socod ah, sidoo guul tusaale ahaan, dhalasho ay kuu dhashaan ubad cusub, helitaanka shaqo cusub.


W/Q: Khaalid mohamed Said "Khaloudy"
Khalidfarxan@gmail.com

Sunday, January 3, 2016

Qormada Afrika. Rwanda, Khalid mohamed Said

Rwanda   (Ruwaanda). 

Qormada 1aad                                                                                   

W/Q: Khalid Maxamed Siciid “Khaloudy”

Rwanda waa qaran ka mid ah qarammada afrika, waxa uu dhacaa bariga iyo badhtamaha afrika,

waa dal ay soohdimo wadaagaan Uganda, Tanzania, Burundi iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga

ah ee koongo. Badka uu ku fadhiyo  dalka Rwanda waxa lagu qiyaasay 26,338km2.

Rwanda  waa waddan leh harooyin sidoo kale waa dal buurolay ah, cimilo ahaan waxa soo mara

laba xilli roobaad iyo laba xilli jiilaal.

  Bulsho ahaan Rwanda waa dad tiro ahaan yar kuwaas oo badankoodu yahay qaar deggan

baadiye, Rwanda waxa ku dhaqan dadyow kala duwan  sida Hutu,Tutsi iyo Twa iyaga oo

dhammaan la siku idhaa Bunyarwanda.

Luqadda koowaad ee lagaga hadlo Rwanda waxa lagu magacaabaa Kinyarwanda, waxa soo

raaca Ingriis iyo Faransiis.

Rwanda waxa uu maamulkeedu ku dhisanyahay hab dimuqraadi ah oo leh madaxwayne iyo

dawlad dhisan  oo uu wakhti xaadirkan  hogaamiye ka yahay Paul Kigame oo ka tirsanaa

jabhaddii la odhan jiray “Rwandan Patriot front (RPF)“  isaga oo xilka haya tan iyo 2000.

Rwanda waxa ay ka mid tahay waddamada ugu musuqmaasuqa yar afrika marka loo eego

waddamada ay soohdimaha wadaagaan ama ay jaarka la yihiin.

Rwanda waxa isticmaarku qabsaday sannadkii 1884kii balse dadyawga hutu ayaa sameeyay

kacdoono kala duwan oo ay kaga soo horjeedeen isticmaarka,  tiro yar oo Hutu ah ayaa ku naf

waayay kacdoomadaas , intaas kadib Hutu-gu waxa ay magacaabeen gooni isku taag sannadkii

1962kii, halka Tutsi-gu   hogaaminayeen RPF, arinkaas oo hoggaan u noqday dagaal sokeeye

sannadii 1990kii.

Dagaalkaas oo aakhirkii 1994kiina isku badalay xasuuq, xasuuqaas oo Hutu-gii xag jirka ahaa

qudha kaga jareen  500,000 ilaa 1 milyan oo Tutsi ah  muddo lagu qiyaasay 100 maalmood,

xasuuqan oo lagu sheegay kii ugu xumaa ee abid ka dhaca qaaraddan madaw  kadib is dhago

tirkii beesha caalamka waxa si dagdag ah usoo farogaliyay jabhadii RPF ee oo uu hogaamiyaha

ka ahaa jeneraal Paul kigame  madaxwaynaha haatan, isaga oo adeegsaday  xoog si uu uga

guulaysto una soo afmeero xasuuqaas isaga oo ka adkaaday xoogagii sida naxariis darrada ahayd

dadka ugu gumaadayay rabayna in ay dabar jaraan iyaga oo isticmaalyay Faashash.

Guusha uu hogaamiye Paul kigame horseedka ka ahaa waxa ay u horseeday dadkii reer Rwanda

in ay curiyaan dawalad loo dhan yahay, dawladdaas oo mamnuucday in la is hayb sooco la isna

faquuqo tilmaamtayna in dadka reer Rwanda ay mid yihiin .

Xasuuqaas kadib Rwanda waxa ay la kulantay hoos u dhac dhaqaale oo baahsan, dhaqaalahooga

oo ku tiirsanaa beeraha  sida shaaha, bunka iyo dallagyada kala duwan ee ay dhoofin jireen, 

hadda dhaqaalaha ugu badan waxa uu ka soo gala  dalxiiska iyada oo ay soo booqdaan dadyaw

aad u tiro badan oo ka kala yimaada daafaha dunida meelaha loogu daawashada badanyahayna

waxa ka mid ah buuraha lagu magacaabo “Mountain gorillas” oo ay ka soo xareeyaan dakhli

aad u sareeya. 90% dadku waa beero qodato dhakhligooda lagu qiyaasay 32.5 GDP sannadii

2014kii.

Ruwanda xasuuqii kadib  waxa ay ka mid tahay waddamada dhaqaalahoodu soo korayo, Rwanda

waa dal xasilan oo nabad ah horumarkiisuna maalinba maalinta ka danbaysa  isa soo tarayo ,

Rwanda waxa ay hogaan u noqon kartaa dalal badan oo afrikaan ah sababta oo ah waa ay isa

saamaxeen wax kasta oo ka dhex dhacayna waxa ay ku iloobeen in ay horumar gaadhaan

dawladna ku midoobaan.

Hadda Rwanda 92% Caruurta waddankaas waxa ay tagaan goobaha waxbarashada ama

dugsiyada, taas oo ifafaalo wacan u ah mustaqabalkooda iyo aayahooga danbe.

Thursday, December 17, 2015

#Qabyaalad Diid, Khalid mohamed said

Sariirta ayuu badhtanka ka saaranyahay balse wax dhaqaaq ah ma laha waxa ritay xannuuno uu muddo dheer la il darnaa. Dhamaan ehelkii wuu ku soo dul xoonsanyahay ishiisu waxa ay kolba qabanaysaa dad ay soo wada qaateen wakhtiyo farxad iyo murugoba leh.
Dhamaan dadkii agtiisa ku qaaliga ahaa wajigooda murugo ayaa ka muuqato oo waxa ay ka murugaysanyihiin Xaaladan uu ku suganyahay ee aanay waxba ka qaban karayn. Gacanta ayuu haystaa inantii uu abtiga u ahaa oo aad moodo inuu reerkaba ugu jeclaa, Marka aad muuqaalkiisa hoos u raacdo cadkii jidhkiisa ku dhahaadhnaa waxba kama sii joogo oo waa caato lafahiisu muuqdaan Korka waxa uu ku wataa Garan uu ku sawiranyahay nin siyaasi ah oo aysan qaraabo ama ehel ahayn balse ay reer ama magac wadaag yihiin, Marka aad eegto xaaladda uu ku suganyahay iyo ninka uu korka ku wato waa laba aan islahayn balse way jirtay maalmo uu isaga dartii dad ku nacay dad ku jeclaaday fikiro ku qaatay inuu habaaska u cantuugo dartiina u ogolaaday reernimo awgeed maaha dadnimo iyo wanaag uu ku taageersanyahay balse maanta marka ishiisa iyo sawirka ninkaasi isku dhacaan kolba waa uu naxaya oo hadana murugoonaya intaa uun kuma eekee xusuus ayaa wehelisa taas oo uu ka dhiiloonayo shakhsiyadaa xumayd ee uu u xidhay fikirkiisii cuduudiisii caqligiisii una noqday salaan uu kursi ku koro. Waxa uu kolba si hoose isku waydiinayaa suaalo ay ka mid yihiin toloow ma la socdaa xaalkaaga iyo noloshan cidhiidhigaa eed ku sugantahay? Waa Maya jawaabtu oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhex jiro xumaantii aad ku ogayd eed hadana ku jeclayd. Haa maalintaa waad ku jeclayd balse maanta ma hubtid inaad adigu daqiiqadan soo socota ay saacadaaduba ku eegtahay. Inadhaha uu qalibka kolba ka rogayo waxa wehelinaya qaylo iyo oohin ay u ooyayaan ehelkii. Mawjadaha fikirka ee ku soo laba dhacaya haddii uu maanta bandhigi lahaa awoodna u yeelan lahaa inta la joogta ayuu ka waanin lahaa inay fikirkooda u xoroobaan, Hadii uu awood jidh ahaaneed heli lahaana garankan uu nijaasku ku
Sawiranyahay ayuu iska saari lahaa hadii ay geeridu dayn lahaydna khaladaadkiisii hore ayuu sixi lahaa balse maanta suurto gal ma aha.

Thursday, December 10, 2015

Yaa Masuul Ka Ah, W/Q: Khalid mohamed said "Khaloudy"


Sida aynu ognahay aafada tahriibka ayaa noqotay tallaabo ay ku hodmeen dhallinyaraddii soomaaliyeed meel kaste ha joogeen iyagoo hiyigooda raaciyay kooxihii ka horeeyay ee u hayaamay qaaradda yurub kana hayaamay qaaradda maddow, halhaysna ka dhigtay "Hebelba yurub wuu galay” iyaga oon is waydiin su’aalo dhawr oo ay ka mid tahay muxuu kala kulmay jidkii dheeraa? Nolol caynkee ah ayuu ku nool yahay? Balse hiigsi mustaqbal oo ifaya ma leeyahay?.

Haddaynu si qoto dheer uga hadalno maxaa sababay in ubaxii waddanka oo dhalinyarada ahi ay ka huleelaan carradii hooyo, jidka dheer ee bilaa rajada ahna cagta saaraan aakhirkana nolosha ka dhacaan?

Goor fiid cawl ah oo qof walba ku jiro

saacaddahii uu ka nasan lahaa cadceeddii kululayd iyo sidoo kale ridashada ama gudashada nolol maalmeedkiisa meertada ah kuna nasan lahaa dabciga illaahay u sameeyay kawnkiisa, ku darsoo waa maalin ka duwan maalmaha kale waa maalin ciroole yar iyo waynba lagu wada labisanyahay dhar midabkoodu yahay Cagaar, Caddaan iyo Casaan. Gidaar kasta ama wajahad kastana waxaad ka arkaysaa midabbadaa aan soo xusay.

Waa maalinta xuska madaxbanaanida soomaalilaan ee 18ka May, jawigu caadi maaha waxaan uga jeeddaa "aad ayuu u qurux badanyahay”, waxba yaan hadal kugu daaline, ammintaa fiidka ah ayaan ku cawaynayay maqaaxi aan aad u camirnayn balse dhinacyga bidix waxaa fadhiya nin gadhmadoobe ah,  aqoon iskuma lihin balse waxa aan ka simanahay bunkaa aan cabbayno, in door ah oo  aannu kolba indhaha is dhaafinay ayuu na soo hor maray gaadhi ay ka buuxaan dhallinyaro faro-badan oo dabbaal dagaya, markaan falanqaynay kadib ayaan isla soo qaadnay tahriibka oo imika siyaabo baddan loo tahriibo magacyo kala duwanna loola baxay.

Su’aal ayuu si kadiso ah ii waydiiyay, fajaciso-na igu abuurtay, kuye Waligaa ma tahriibi lahayd !? Ama waddanka ma iskaga tagi lahayd !? Waxa aan ugu jawaabay waan ka tagi lahaa balse ma tahriibeen, muddo intuu dhoolla-cadeeyay ayuu yidhi sabab? Wax aan sabab uga dhigay sida dhallinyarada facayga ahiba u sababayso oo ah markaan waxbarashada dhamaysto shahaadadayda kuma shaqo tagi karo waayo waxaa ka awood wayn reernimo iyo garasho, shaqona waddanka kama jirto.

Layaabkii Waydiimadiisa ka sakow, jawaabtiisii ayaa noqotay mid aan ugu garaabay, waxa uu yidhi "masuuliyadda tahriibka waxaan saari lahaa cidda faraha ku haysa tarbiyadda awlaadda yaryar iyo waxbarashada ha noqdeen maamul sare ama mid hoose sababta oo ah arday kasta oo muwaadin ahi  xaq ayuu u leeyahay inuu barto ama lagu barbaariyo, sidoo kalena lagu abuuro dal jacayl oo la baro taariikhda waddankiisa iyo juquraafiga waddankiisa, halka maanta dugsiyadeenna loogu dhigo ardayda taariikho qalaad balse aan la barin oo la dhadhansiin waddanka iyo xaqa uu ku leeyahay iyo xaqa muwaadinku leeyahay, sidoo kalena lama dareensiin in uu u dhiman karo,  daafici karo, ku gaajoon karo sidoo kalena u shaqaysan karo oo waliba ka shaqaysan karo.

Taasina waxay masuul ka noqotay in dhallinyartii marka dugsiga dhamaysato ay ka door bidaan in ay naftooda ku halaagaan saxaraha kulul iyo badwaynta baaxadda leh, hadii ay ka gudbaanna ay dal shisheeye iyo dad shisheeye xammaal u noqdaan kana ogolaadaan in ay ka hooseeyaan”.

 Haddaba waxaan ku tallin lahaa xukuumad, shacab, waalid iyo ardayba in loo tafoxayto sidii loo dardar galin lahaa waxbarashada hoose dugsigana ay ku qaataan xiisadda waddaniyadda "Civics” iyo sidoo kale juquraafi ku salaysan waddankeenna, taariikhda ummadu leedahay ugu danbayna ilmaha yar lagu dhiirigaliyo inuu nolol gacantiisa ku abuuri karo. Waxaan ku soo afmeeri lahaa maqaalkaygan Erayo ka soo maaxday abwaanka qaaliga ah ee Xasan Daahir ismaaciil "Weedhsame”

Qof baad tahay guul abuura

Qof baad tahay guri yagleela

Qof baad tahay gaar ahaanta

Ku gaajo baxoo Is keena

Gankaa kuma dheera caaro

Aqoontaaduna ma gaabna

Ma gaagixin ayaahaagu

Dadkaagana kama go’aysid

Dalkaaguna kuma gariifin

Galbeed yurub kuuma yeedhin

Giriiguna kuuma baahna

Gob baad tahay moog inteeda

Adiga gayigaagu waa kan.

F.G: "Maqaalkani waxaan qoray 18-05-2013 balse waa mala’awaal aan rabo inaan ku baraarujiyo dhalinta iyo cid walba oo moog nimcadda dalkeena. Alle ha ina garansiiyo Madax iyo mijoba.”

 

Khaalid maxamed siciid

Hargeysa Soomaalilaan

Khalidfarxan@gmail.com

www.khaloudym.blogspot.com