Saturday, June 4, 2016

DHAMBAAL KA SOCDA JIILKA DHALAN DOONA!


"Hadalo ka soo baxaya af aan wali dilaacin, fikiro dhex mushaaxaya maskax aan wali amabaqaadin, indho aan wali ifka u soo bixin, jidh aan dareemin milica cadceeda, san aan wali carfin udduga ubaxa, Haddana qaabaynaya nolosha uu ku noolaan lahaa". 

W/Q:KHALID MOHAMED SAID

Laga yaabaa in la idiin kala sheekeeyay, laga yaabaa in aad ku kortay deegaan ku xardhan midabyo kala duwan, laga yaabaa in aad qol madow ugu jirto beelaysi aan macno ku fadhiyin, laga yaabaa inaad fikirkaaga iyo cududaada siisay siyaasi aan dantiisa moogayn, laga yaabaa in aanad wali u soo if bixin quruxda dabiiciga ah ee adduunka, laga yaabaa in aanad wali indho dilaacsan oo fikirka


tolmoon aad ka arag la'dahay, laga yaabaa in aad ka hayaantay dhulkaagii Hooyo, laga yaabaa in aad ka nixisay hooyo u heelanayd horumarkaaga, laga yaabaa in aad ka farxisay danayste aan dan kaa lahayn, laga yaabaa in aad musuqmaasuq ka carartay, laga yaabaa in aad cadaalad darro ka cadhootay, laga yaabaa inaad u fikiri wayday si togan, laga yaabaa inaad isleedahay ii hiili, laga yaabaa in lagu jiho wareeriyay ood kala garan wayday jiho aad u socoto, laga yaabaa in hore aan looga fikirin aayahaaga danbe, laga yaabaa in aad walaalkaa u damqan wayday, laga yaabaa in aad ka wayday garabkaad ku lahayd, laga yaabaa inaad ku gubatay dab shisheeye dhigay, laga yaabaa in aad ii garaabi waydo.


balse hadaladan aan ku hadlayaa waa hadalo ka soo baxaya af aan wali dilaacin, fikiro dhex mushaaxaya maskax aan wali amabaqaadin, indho aan wali ifka u soo bixin, jidh aan dareemin milica cadceeda, san aan wali carfin udduga ubaxa, Haddana qaabaynaya nolosha uu ku noolaan lahaa, ka digtoon hagardaamooyinkii aad la kulantay, raba in uu qayrkii la tartamo raba in uu walaalkii jeclaado, raba in uu ku noolaado milgo iyo sharaf, raba in uu calankiisa kor u qaado, adduunku waa hadhkaa labadiisa galine shalay haddaad ku madhatay badaha waawayn maalin anigaa ku noolaan doona nolol aanad waxba iiga tagin. Aniga oo gacmaha is haysta aniga oo is jecel kuna midaysan fikrado bilaa turxaan ah. Aniga ayaa la dood dhigan doona caalamka intiisa kale, aniga ayaa la babac dhiganaya qayrkay.
Adiga kaagama baahni in aad i waaniso waayo waan ogahay xaalka aad ku sugantahay iyo taloda aad ka dhaxashay kuwii kaa horeyeeyay in ay midho dhal noqon wayday balse anigu safxad cusub oo nolosha ah ayaan bilaabanaya aniga ku bilaabi doona jacayl.


Waxaan arkaa saadaal wacan yididiilo cusub iyo qorax cusub oo ii dhalan doonta, farxad iyo jacayl u dhaxayn doona ummad iyo deegaankeed, Hooyo iyo ilmaheed, cadaalad ka soo if bixi doonta deegaan kharibnaa balse dhiig cusub lagu shubay. Waxaan noqon doonnaa tamar iyo awood cusub, cudud midaysan iyo nolol ii qalanta. Adiga waxaan kugula tallin lahaa in aanad is idhiibin ilaa aan ka imanayo in yar baa ka hadhee Hinji!.

Tuesday, April 5, 2016

Saylac iyo Sacaadadiin. W/Q: Khalid Mohamed Said (Khaloudy)

Saylac waa magaalo xeebeed taariikh iyo xadaarad wayn leh magaalada saylac waa ay ka xadaarad iyo fac wayntahay dhamaan deegaamada soomaalidu dagto. Dhalashadii nebi Ciise ka hor saylac waxa ay ahayd magaalo ganacsi oo ilbaxnimadeedu sarayso.

Saylac waxa soo maray sahamiyihii iyo qoraagii waynaa ee reer Marooko Ibnu Batuuta 1330-kii waxaana uu sheegay in ay ahayd magaalo dhisan oo jirtay. Saylac waxa la sheegaa in ay jirtay diinta islaamka horteed sidoo kalena qarnigii 5aad waxa soo gaadhay asxaabtii rasuulkeena Muxamed (NNKH) ee ka soo hijrootay ama ka soo carartay ciqaabtii reer quraysheed kuwaas oo u soo haajiray ardul xabash ay ka soo dageen dekedda Saylac, Asxaabtii rasuulku waxa ay la kulmeen oo ay arkeen in jihada salaada loo tukadaa ay tahay mid qadiimi ah oo u jihaysan dhankaa iyo qudus lana badalin waxayna u hawl galeen in qiblada loo jiheeyo dhinacaa iyo Maka. Masjidkaasna waxa loogu magac daray masjid Al-qiblatayn




Goobaha Taariikhigaa waxa ka mid ah matxaf (Museum) kaas oo lagu ururin jiray dhigaalada iyo qoraalada taariikhigaa ee Saylac ay leedahay.
 Sida la ii sheegay matxafkana waxa bililiqaystay Talyaaniga kaas oo haba yaraatee aan waxba kaga tagin.

Saylac waxa iskaga danbeeyay maamulo iyo boqortooyin kala duwan kuwaas oo aan ka xusi karno dawladdii cabaasiyiinta, boqortooyadii Adal, gumeystihii Ingiriiska.

Saylac waxa degi jiray qoomiyado fara badan oo ay ka mid ahaayeen carab, Turki, Canfar, iyo Soomaali balse hadda waxa baaqi ku sii ah qoomiyadii Soomaaliyeed oo Kali ah.

Jasiirada sacaadadiin waxa ay qiyaastii u jirtaa 8km dekedda Saylac. Waa jasiirad baaxad aad u wayn leh sidoo kalena eebe ku manaystay qurux iyo dhir kala duwan. Sacaadadiin waa meel nolol ka jiri karto laguna noolaan karo waxa ay leedahay ceelal biyo macaan leh, waxa ku nool xaywaano badeed kala duwan.

Jasiiradda Sacaadadiin waxa ay leedahay jawi daggan kaas oo naftaadu ku xasili karto.
 
Jiho kasta ama dhinac kasta oo aad dheehatana waxaad arkaysaa muuqaalo dabiici ah ama quruxda 
dabiiciga ah ee eebbe ku manaystay dhulkeena,






Quruxdaas oo aan ahayn mid dhallanteed ah balse ah mid dabiici ah.Sidoo kale jasiiradda sacaadadiin waxa ay leedahay kaymo jiq ah kuwaas oo mararka qaar aad ku amban karto.  
Sidaa awgeed Jasiiradda Sacaadadiin waxa ay noqotay dhulka ugu saamaynta baddan een abid arko. 



Wednesday, February 24, 2016

ARRIN XUMO ABAAR KA DARAN


Abaaro ba’an oo ka taagan goobo baddan oo dalka gudihiisa ah haddan alle waa inaan ugu mahadnaqno kana barino in uu nimcadiisa noo shubo, sidaas oo ay tahay haddana waxa la inooga baahanyahay in aynu u samirno kuweena ay abaartu saamaysayna u ducayno wixii aynu ku dhaanona ku tarno, hal ayaan ka odhan dadkeena ku dhaqan deegaamadda ay abaaruhu saameeyeen, cid wax la waydiisto alle ayaa ugu mudan, baryahan danbe waxa caado noqotay in haddii ay dhibaato la soo daristo ay warfaafinaha mariyaan baaqyo ay ugu baaqayaan hay’ado waydiisanayaana caawimoyin. Ugu horayn waa gaf alle laga galay oo waa arrin mudan in alle dib loogu noqdo isagana laga tuugo wacnaan.




Dawladdu dadaal wayn ayay ku jirtaa guddiga loo xil saarayna  alle ha la garab galo. Balse waxa ii muuqata siytaasiyiin faro badan oo caawimada khalad fahmay ayaga oo caawimo bixin karaya haba yaraato’e hakranaya, haba hakrado’e. caawimadiina siyaasad ka dhigay oo maalinka siyaasi dhigiisa ah oo u xifaaltan dhexyaalo isgu iskii isku xilqaama ee karaankiisa ama awoodiisa ku tabaruca. Ayuu isaguna la soo kala baxayaa ficiltan farobadan bixinayaana intii uu bixiyay dhigiisu in ka badan si uu hadhaw dadka tabaalaysan ugu tar sheegto oo uu idhaa maalintaad dhibaataysnaydeen siyaasi hebel wax buuran idinma tarine anigaa idin taray. Bal alle ayaa loo noqon doonaaye shakhsiyaadkaasi ma dadkii tabaalaysnaa ayay wax u tareen mise way ku taagsadeen isaga oo eegaya dantiisa shakhsi ahaaneed. Waxay ila tahay bulshadii ayaa noqotay barxad lagu ciyaaro oo ninba sida la gudboon ka yeelo.

Siyaasiyiintu laba ha kala saaraan, kow in bulshada ay bari ka maalin matali doonan sidaa darted maalinta dan bulsho timaado in uu dantiisa shakhsi ahaaneed inta uu meel dhigto ka hawl galo arrinkaa bulshada soo wajahay, sidaas ayayna geesinimadu ku jirtaa. Mida labaad ayaa ah, maalinta uu olole galayo ha xifaaltamo hana is xiniinyo taabto tartana ha la galo  dhigiisa hana sameeyo sida uu kolba bulshada ku hanan karo ee uu arko in uu ku soo jiidan karo, laakiin maantu maaha maalinkii ku haboonaa xafiiltan. Waa maalintii aynu ka wada galiilyoon lahayn lana dhibaatoon lahayn walaalaheen waa qayb jiidhkeena ka mid ah.

Alle ha inoo hagaajiyo siyaasiyiinta ka baxay soohdiintii dadnimada ee bahaloobay, alle abaaraha haka dul qaado bulshowaynta soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin hana garansiiyo awoodda alle in ay ka wayntahay awoodda hay’adi leedahay, alle dhamaanteen xaga ha inagu sugo hana inaga yeelo inta xadhigiisa qabsata.


Friday, January 29, 2016

Qormooyinka Afrika: Q:2aad Nayjeeriya (Nigeria)

Qormooyinka Afrika: Nayjeeriya
W/Q: Khaalid Maxamed Siciid “Khaloudy”
------------------------------------
Jamhuuriyadda fedderaalka ah ee Nigeria (Nayjeeriya) waa dal ku yaalla qaaradda afrika, isla markaana dhaca galbeedka afrika. Waxa uu soohdimo kala duwan la wadaagaa waddamo dhawr ah sida; Benin oo ka xiga dhinaca galbeed, Jad iyo Kamaruun oo iyaguna kaga beegan dhinaca bari, halka waddanka Nayjarna ay ka dhacdo dhinaca waqooyi, xeebta dhinaca koonfureedna waxa ka xiga gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantik.
Juqraafi ahaan waddanka Nayjeeriya waxa uu dhacaa galbeedka gacanka Guneeya ee badwaynta Atlantic, iyada oo bedka waddanka Nayjeeriyana lagu qiyaaso 923,768 km2 (356,668 SQMI) taas oo uu ku mutaystay waddanka nayjeeriya in uu galo kaalinta 32aad waddamada ugu bedka wayn leh adduunka, waxa ay isku bedyihiin Venuzuella halka ay labadooduba bed ahaan le egyihiiin gobolka Kalifoorniya ee dalka Maraykanka.Buurta ugu Figta sarraysa ee Nayjeeriya waxa lagu magacaabaa Jabal waadi ( Chappal Waddi) taas oo lagu qiyaaso 7,936feet. Webiyada ugu muhiimsan ee mara Nayjeeriya waxa ka mid ah wabiyada Nayjer iyo Benue.
Nayjeeriya waxa ay ka kooban tahay 36 oo maamulkoodu yahay hab fedderaal, caasimadda dalka Nayjeeriyana waa Abuuja. Nayjeeriya waxa ay ka kasoo farcantay oo ila haddana ka joogta boqortooyadii la odhan jiray Millennia.
Wakhtiyadii isticmaarka ama gumaystaha Nayjeeriya waxa gumaysan jirey dalwaynaha Biritayn, gumaystahaas oo qabsaday bilawgii qarnigii 19aad ayaa waxa uu waddanki ukala qaybiyey laba qaybood isagoo ukala saaray Maxmiyadda Koonfureed ee Nayjeeriya iyo Maxmiyadda waqooyi ee Nayjeeriya sannadku markuu ahaa sannadkii 1914.
Nayjeeriya waxa ay xornimadeeda dib ula soo noqotay sannadkii 1960-kii , intaa kadib waxa ka bilaabmay dagaal sokeeye sannadahi 1967 ilaa 1970-kii kaas oo u dhaxeeyey dawladdii hab dimuqraadiyadeed loo soo doortay iyo ciidammadii mileteriga ahaa ee kaligood taliska ahaa, waxana dagaalkaas loo yaqaannay “Baifran war”.
Waddanka Nayjeeriya kolka laba loo kala qaybiyo 50% qayb ka mid ah ayaa Muslim ah oo ku nool waqoogiyaga iyo koonfur galbeed Nayjeriya, halka 40% ay yihiin Kiristaan kuwaas oo ku nool koonfurta waddanka iyo badhtamahaba, halka qaybta soo hadhay ee ah 10% ay yihin dadka diimaha kale haysta.
Nayjeeriya waxa lagu naanaysaa (Cimlaaqa afrika) iyada oo magacaasi ku hanatay tirada bulshadeeda iyo dhaqaaleheeda, waxa lagu qiyaasaa in tirada bulshada wadanka Nayjeeriya ku nooli ay tahay 182 milyan oo ruux, waxana ay ka mid tahay waddamada ugu dadka badan qaaradda afrika, sidoo kale waxa ay ku jirtaa toddobada waddan ee ugu dad ka badan adduunka, iyadoo sidoo kalena ka mid ah waddamada ugu dhallinyarada badan adduunka.
Dhaqaalaha waddanka Nayjeeriya waxa ugu badan ee kaso gala waa wax soosaarka warshadaha oo soo saara 43%, waxa iyaguna door laxaadle ka qaata koboca dhaqaalaha waddankasi beeraha oo iyaguna so saara 30.9%, halka inta so hadhay ee 26% ay so saran adeegyada(service).
Waddanka Nayjeeriya waa waddanka ugu dadka badan qaarda Afrika,inta badan waa waddan aan lagu qaldi Karin ama aan la barbar dhigi karin waddan kale, sababto ah waxa ku dhaqan kooxo dhaqammeed kala duwan oo gaadhaya in ka badan 500 oo kooxo dhaqameed ah oo dhammaantood kala wada duwan. Kooxo dhaqammeedka ama bulshooyinka kala duwan haddi aan laba mada saddex kaso qadano waxa kamida kooxaha Hausa, Igba,iyo Yoruba kooxahasi iyo kuwa kaleba dhammaantood waa kooxo ama bulshooyin kala dhaqano iyo diimo duwanba.
W/Q: Khalid Mohamed Said “Khaloudy”
E-mail: Khalidfarxan@gmail.com
Facebook: Khaloudy Mohamed Said

Sunday, January 10, 2016

Lamaane taariikh reebay, (Taaj Maxaal) W/Q: Khalid Mohamed Said



Magacaantoodu ma aha kuwo sidaa u caan ah balse jacaylkooda ayaa noqday sheeko maalmeed ay ku sheekaystaan cid walba oo jacayl ka hadlaysaa.

Shah Jahan iyo Mumtaz Mahal waxa ay ahaayeen kuwo jacayl xad dhaaf ahi ka dhexeeyo kuwaas oo guur wadaagay isna jeclaa ilaa ay mumtaz ka geeriyootay ayada oo u dhasahy 14 ubad ah.

 Shah Jahan geerida ooridiisa ama jacaylkiisu waxa ay ku yeelatay saamayn dareen iyo mid jidh ahaaneedba.  Balse murugadaasi waxa ay ku boorisay in uu dhiso mid ka mid ah dhismayaasha ugu wayn uguna farshaxansan sidoo kalena ugu caansan dunida, isaga oo ugu talo galay In uu ka dhigo dhigaal taariikheed oo uu u hibeeyay xaaskiisa uu aadka u jeclaa goobtaas waxa lagu magacaabaa “Taaj Maxaal” oo ku taal dalka hindiya. Haddaba dhismaha taaj maxaal  kadib shah wuu xanuunsaday, intaa wixii ka danbeeyay waxa uu hooy uu ku nasto ka dhigtay daartay uu xaaskiisa u hibeeyay halkaas oo uu kama danbayn ku geeriyooday laguna ag aasay xaaskiisa.

Wednesday, January 6, 2016

Daraasad lagu ogaaday in Fitamiin “D” uu dawo u yahay cudurada ku dhaca midhicrka wayn




Khubaro sheegtay in dadka ka cawda xanuunada ku dhaca midhicirka wayn (Irritable bowel syndrome IBS)  aanay helin cadceeed ku filan sidaa darteed daraasad ay sameeyeen khubaro ingiriis ah oo ay isku soo dubaridday jaamacadda shifield ee dalka boqortooyada ingiriiska. Waxa ay daraasadoodan ku carabaabeen in 82% dadka u xanuunsanaya xanuunkan aanay helin Fiitamiin D ku filan jidhkooda, Fiitamiin D oo laga helo cadceedda  iyada oo si dabiici ahna looga heli karo cunooyin kala duwan sida caanaha iyo kalluunka.
Bernard  Korf oo ah madaxa khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sheegay in 25 kii qof ee u xanuunsanaya ay 23 ka mid ah loo aanaynayo in ay helin Fiitamiin D ku filan.
Cilmi baadhistan ayaa cadayn u noqotay in Fiitamiin D oo aan jidhku sida saxda ah u helin ay sababi karto xananuuada ku dhaca Midhicirka Wayn.
Haddaba akhriste ku dadaal In jidhkaagu helo fiitamiino ku filan si aad uga hortagto xanuuno badan oo saamayn ku yeelan kara noloshaada.
Ka hor-tagu  wuu ka fiicanyahay daawada.

W/Q: Khalid Mohamed Said

Khalidfarxan@gmail.com

 Facebook: Khaloudy Mohamed Said

Riyada oo aad ku aragto beed





Waxa laga yaabaa in aad riyo ku riyooto ha fiicnaato ama ha xumaato’e, riyooyinka qaar waa aad xasuusan kartaa subaxii hurdadda ka dib, riyo kasta oo aad ku riyootaana waxa ay leedahay macno ama fasiraad u gaar, sidii nebigu (NNKH) ugu fasiri jiray asxaabtiisii sharafta badnayd.
Haddaba beed ama naalo aad ku aragto riyadaada waxa lagu fasiraa ama waxa ay odoros xoogan u tahay bilowga nolol cusub, waxa kale oo lagu fasiraa dhalasho cusub. Waana ay dhici kartaa In ay rumoobi waydo  mararka qaar.
Kownka waxa ay is shabahaan qaab ahaan beed sidoo kale beedka oo aad riyada ku aragtaana waxa ay shabahaysaa nolo iyo arimo la xidhiidha.
Haddaba  waxa aynu odhan karnaa riyada oo ku aragto beed waxay ay ifafaalo wacan u tahay bilowga nolol cusub iyo talaaabo hore u socod ah, sidoo guul tusaale ahaan, dhalasho ay kuu dhashaan ubad cusub, helitaanka shaqo cusub.


W/Q: Khaalid mohamed Said "Khaloudy"
Khalidfarxan@gmail.com