Hurdo ayaan iska waayay oo kolba
dareenno fikir wata ayaa maskaxdayda ku maaxaya, nin fikiray iyo hurdona kala
dheer. Waxa aan is waydiinayaa maxaa qorshe kaaga yaala nolosha mar haddii aad
is waajahysaan nolosha dhabta ah?. waan faraxsanahay oo waan fantasiyaynayaa
subaxa bari ah waayo waxa aan ku labbisanayaa dharka ah toobka madaw iyo
koofiyada madaw ee loogu talo galay qalinjabinta. Waan xasuustaa oo maalintaan
hayaankan soo bilaabayay ma sawiran karayn maalintan barri oo kale ah .
Waxa aan ku barbaaray waqooyiga
dhulka soomaalida bilawgii safarkayga, waxa aan wada bilawnay oo jaal ahayn Yacquub
Ciise Muuse oo aanu kursiga wadaagi jirnay, waloow uu iska shaqaaqo badnaa wakhtigaas,
waxaan ku koray deegaan nabad ah ilaa hadda ma sawiran karo colaad iyo
sawaxanka aaladaha dagaalka. Waa Eebbe mahadii oo waxaan ku koray deegaan ummaddu
adeer iyo abti ii tahay oo waan ka nasiib badanahay wiilka dhul gaaleed ku
koray. Waxbarashadaydu habsan may galin hal maalinna gaabis kuma iman.
Markaan yaraa waan maqli jiray
soomaalida badh baa dagaallo iyo qaxooti ku sugan, badh baa waayay dadkii ay
jeclaayeen, badh baa isu boholyoobay oo kala lumay, Badh baa ku kala filiqsan
adduun waynaha. Markaan waynaaday waa dareemay dhibaatooyinkaas oo dhan iyo
qiimaha uu leeyahay dhulka hooyo.
Subaxan saaka ah waxa aan ku
waa’bariistay nabad iyo xasillooni,
sidii caadada ii ahayd waa aan qubaystay waa aanan labbistay, saaka labbiskaygu
waa uu ka gaddisan yahay labbisyadii hore dharka aan xidhanayaana waa ay ka
duwanyihiin dharkii hore ee aan xidhan jiray sidii caadada ii ahayd.
Wajigayga waxa markaaba aad ka
dareemaysaa farxad rabbaani ah oo aan jilid ku jirin, saaka waxa aan ku labbistay
maryihii madoobaa ee qalinjabinta iyo waliba suudh. Waxa aan ku soo dhacay
gaadhigii aan ku tagi lahaa jaamacadda Hargeysa oo ah goobta ay ka dhici lahayd
xafladda qalinjabintu, inta aanan jaamacadda tagin waa in aan sii maraa gurigii
walaashay si ay farxada iila soo qaybsato kaalintii hooyona iigu buuxiso mar
haddii aanan nasiib u yeelan in labadii waalidba I ag joogaan ay iga jiraan
waddanka dibaddiisa. Waa 6:30pm ee subaxnimo waxa aan shiday idaacadda VOA.
Nasiib wanaag waxa barnaamijka subaxnimo daadihinaya walaalkay ama curadka inta
ila dhalatay Xuseen Barre, isla markiiba codkiisa ayay dhaguhu soo jiiteen
waloow aanu isla habeenkaas telefanka ka wada hadalnay oo uu ii hambalyeeyay
haddana si farxad ku dheehantahay ayaan codkiisa u dhagaysanayaa. Barnaamijkan
saaka waxa uu ku bilaabay gudoomiyihii jaamacadda Muqdisho oo xilkii wareejiyay
20 sanno kadib, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in jaamacadda la aasaasay 1996kii
ilaa wakhtigaasna uu isagu gacanta ku hayay, waxyaabahii iigu layaabka badnaa
ee I dhiirigaliyay ayaa ahaa runtii in wakhtiyadaas oo ahayd wakhtiyadii
waddanku ugu qalalaasaha badnaa haddana ay waxbarashadu si habsami ah u
socotay, sidoo kale su’aasha markiiba ku soo dhacday maankayga ayaa ahayd side
ayay suurtogal ku noqon kartaa in ardaydu goob dagaal wax ku barato?. isaga ayaa afkiisa kaga jawaabay oo waxa uu
yidhib “si aan ardaydu u niyad jabin marka jaamacadda iyo agagaarkeeda dagaal
ka curto waxa aan samaynay erey bixin cusub oo aan ardayda ku odhan jirnay (aag baddalasho ayaan samaynaynaa)” waayo
dareen ahaan waa ay ka quruxbadantahay waa aan qaxaynaa!. Waxana uu hadalkiisa
ku soo afmeeray “maanta waxa la gaadhay
wakhtigii aan ku wareejin lahaa cid kale oo hagta jaamacadda”.
Runtii inta aan jaamacadda ku jiray
Alle ilama kulmin wax iga habsaamiya subax kaliya, halka wiilka soomaaliyeed ee
koonfurta joogaana uu maalin walba aag baddalasho samaynayay run ahaantii
jidhidhico ayaa markiiba maqaarkayga ka soo if baxday Allah-na waan u
mahadnaqay.
Waddo ayaan ku guddo jiraa, qof
walbana marka uu arko dharka aan xidhanahay waa uu i salaamaya waa uuna ii
hambalyaynayaa laakiin dareenkayga ayaa ah mid baddalan si kasta oo ay ahaato
idaacaddii intaa kuma ay eekaan haddana waxa soo galay barnaamij su’aalo ahaa
oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si toos ah ay khadka ugu waydiinayeen
bulshoda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minisoota ee dalka Maraykanka.
Barnaamijkaas ka soo qayb galayaasha
badankoodu runtii madaxwaynaha waxa ay waydiinayeen su’aalo la xidhiidha
siyaasad, Haddaba wiil yar oo 14 sanno jir ah runtiina dhiirranaa ayaa
waydiiyay su’aal wali maankayga ka bixi la’ su’aashaas oo igu dhalisay in aan qoro
maqaalkan. Waxa uu waydiiyay dhallinta ila midka ah ee ku nool waddanku ma
helaan waxbarasho iyo dugsiyo ku filan maxaa kaaga qorshaysan?. bal sawiro anigu saaka waxa aan xidhanahay
Koofiyad madaw iyo toob madaw dhiggayna ma helin waxbarasho oo maba aadin
dugsi. Hal mar ayaa uu dareenkaygu isbaddalay oo marlabaad ayay jidhidhico iga
soo ifbaxday waxa aan is waydiiyay wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed miyaa aan
ay xaq u lahayn in ay waxbartaan oo ay la tartamaan dhiggooda ku filiqsan
adduun waynaha?.
Run ahaantii casharka aan maalintaas
idaacadda ka faa’iday waa uu ka qiimo
badnaa casharkii aan jaamacadda ku qaadanayay. bulshada Soomaaliyeed maxaa ugu
wacan kala filiqsanaanta iyo tafaraaruqa, dilka dhaca iyo boobka?.
Maanta waxa la soo gaadhay wakhtigii mustaqbal
laga fikiri lahaa isbeddelna dhici lahaa, waa maalintii qabyaaladda qaranku ka
sarayn lahaa, waa maalintii uu qalinku ka adkaan lahaa qoriga, waa maalintii ay
ubadka Soomaaliyeed ay noqon lahaayeen ubax.
Xaq ayay u leeyihiin in ay helaan
waxbarasho, nabad iyo xasillooni.
Khalid Mohamed Said
(Khaloudy)
Facebook: Khaloudy
Mohamed Saeed
063-4459259