Thursday, December 17, 2015

#Qabyaalad Diid, Khalid mohamed said

Sariirta ayuu badhtanka ka saaranyahay balse wax dhaqaaq ah ma laha waxa ritay xannuuno uu muddo dheer la il darnaa. Dhamaan ehelkii wuu ku soo dul xoonsanyahay ishiisu waxa ay kolba qabanaysaa dad ay soo wada qaateen wakhtiyo farxad iyo murugoba leh.
Dhamaan dadkii agtiisa ku qaaliga ahaa wajigooda murugo ayaa ka muuqato oo waxa ay ka murugaysanyihiin Xaaladan uu ku suganyahay ee aanay waxba ka qaban karayn. Gacanta ayuu haystaa inantii uu abtiga u ahaa oo aad moodo inuu reerkaba ugu jeclaa, Marka aad muuqaalkiisa hoos u raacdo cadkii jidhkiisa ku dhahaadhnaa waxba kama sii joogo oo waa caato lafahiisu muuqdaan Korka waxa uu ku wataa Garan uu ku sawiranyahay nin siyaasi ah oo aysan qaraabo ama ehel ahayn balse ay reer ama magac wadaag yihiin, Marka aad eegto xaaladda uu ku suganyahay iyo ninka uu korka ku wato waa laba aan islahayn balse way jirtay maalmo uu isaga dartii dad ku nacay dad ku jeclaaday fikiro ku qaatay inuu habaaska u cantuugo dartiina u ogolaaday reernimo awgeed maaha dadnimo iyo wanaag uu ku taageersanyahay balse maanta marka ishiisa iyo sawirka ninkaasi isku dhacaan kolba waa uu naxaya oo hadana murugoonaya intaa uun kuma eekee xusuus ayaa wehelisa taas oo uu ka dhiiloonayo shakhsiyadaa xumayd ee uu u xidhay fikirkiisii cuduudiisii caqligiisii una noqday salaan uu kursi ku koro. Waxa uu kolba si hoose isku waydiinayaa suaalo ay ka mid yihiin toloow ma la socdaa xaalkaaga iyo noloshan cidhiidhigaa eed ku sugantahay? Waa Maya jawaabtu oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhex jiro xumaantii aad ku ogayd eed hadana ku jeclayd. Haa maalintaa waad ku jeclayd balse maanta ma hubtid inaad adigu daqiiqadan soo socota ay saacadaaduba ku eegtahay. Inadhaha uu qalibka kolba ka rogayo waxa wehelinaya qaylo iyo oohin ay u ooyayaan ehelkii. Mawjadaha fikirka ee ku soo laba dhacaya haddii uu maanta bandhigi lahaa awoodna u yeelan lahaa inta la joogta ayuu ka waanin lahaa inay fikirkooda u xoroobaan, Hadii uu awood jidh ahaaneed heli lahaana garankan uu nijaasku ku
Sawiranyahay ayuu iska saari lahaa hadii ay geeridu dayn lahaydna khaladaadkiisii hore ayuu sixi lahaa balse maanta suurto gal ma aha.

Thursday, December 10, 2015

Yaa Masuul Ka Ah, W/Q: Khalid mohamed said "Khaloudy"


Sida aynu ognahay aafada tahriibka ayaa noqotay tallaabo ay ku hodmeen dhallinyaraddii soomaaliyeed meel kaste ha joogeen iyagoo hiyigooda raaciyay kooxihii ka horeeyay ee u hayaamay qaaradda yurub kana hayaamay qaaradda maddow, halhaysna ka dhigtay "Hebelba yurub wuu galay” iyaga oon is waydiin su’aalo dhawr oo ay ka mid tahay muxuu kala kulmay jidkii dheeraa? Nolol caynkee ah ayuu ku nool yahay? Balse hiigsi mustaqbal oo ifaya ma leeyahay?.

Haddaynu si qoto dheer uga hadalno maxaa sababay in ubaxii waddanka oo dhalinyarada ahi ay ka huleelaan carradii hooyo, jidka dheer ee bilaa rajada ahna cagta saaraan aakhirkana nolosha ka dhacaan?

Goor fiid cawl ah oo qof walba ku jiro

saacaddahii uu ka nasan lahaa cadceeddii kululayd iyo sidoo kale ridashada ama gudashada nolol maalmeedkiisa meertada ah kuna nasan lahaa dabciga illaahay u sameeyay kawnkiisa, ku darsoo waa maalin ka duwan maalmaha kale waa maalin ciroole yar iyo waynba lagu wada labisanyahay dhar midabkoodu yahay Cagaar, Caddaan iyo Casaan. Gidaar kasta ama wajahad kastana waxaad ka arkaysaa midabbadaa aan soo xusay.

Waa maalinta xuska madaxbanaanida soomaalilaan ee 18ka May, jawigu caadi maaha waxaan uga jeeddaa "aad ayuu u qurux badanyahay”, waxba yaan hadal kugu daaline, ammintaa fiidka ah ayaan ku cawaynayay maqaaxi aan aad u camirnayn balse dhinacyga bidix waxaa fadhiya nin gadhmadoobe ah,  aqoon iskuma lihin balse waxa aan ka simanahay bunkaa aan cabbayno, in door ah oo  aannu kolba indhaha is dhaafinay ayuu na soo hor maray gaadhi ay ka buuxaan dhallinyaro faro-badan oo dabbaal dagaya, markaan falanqaynay kadib ayaan isla soo qaadnay tahriibka oo imika siyaabo baddan loo tahriibo magacyo kala duwanna loola baxay.

Su’aal ayuu si kadiso ah ii waydiiyay, fajaciso-na igu abuurtay, kuye Waligaa ma tahriibi lahayd !? Ama waddanka ma iskaga tagi lahayd !? Waxa aan ugu jawaabay waan ka tagi lahaa balse ma tahriibeen, muddo intuu dhoolla-cadeeyay ayuu yidhi sabab? Wax aan sabab uga dhigay sida dhallinyarada facayga ahiba u sababayso oo ah markaan waxbarashada dhamaysto shahaadadayda kuma shaqo tagi karo waayo waxaa ka awood wayn reernimo iyo garasho, shaqona waddanka kama jirto.

Layaabkii Waydiimadiisa ka sakow, jawaabtiisii ayaa noqotay mid aan ugu garaabay, waxa uu yidhi "masuuliyadda tahriibka waxaan saari lahaa cidda faraha ku haysa tarbiyadda awlaadda yaryar iyo waxbarashada ha noqdeen maamul sare ama mid hoose sababta oo ah arday kasta oo muwaadin ahi  xaq ayuu u leeyahay inuu barto ama lagu barbaariyo, sidoo kalena lagu abuuro dal jacayl oo la baro taariikhda waddankiisa iyo juquraafiga waddankiisa, halka maanta dugsiyadeenna loogu dhigo ardayda taariikho qalaad balse aan la barin oo la dhadhansiin waddanka iyo xaqa uu ku leeyahay iyo xaqa muwaadinku leeyahay, sidoo kalena lama dareensiin in uu u dhiman karo,  daafici karo, ku gaajoon karo sidoo kalena u shaqaysan karo oo waliba ka shaqaysan karo.

Taasina waxay masuul ka noqotay in dhallinyartii marka dugsiga dhamaysato ay ka door bidaan in ay naftooda ku halaagaan saxaraha kulul iyo badwaynta baaxadda leh, hadii ay ka gudbaanna ay dal shisheeye iyo dad shisheeye xammaal u noqdaan kana ogolaadaan in ay ka hooseeyaan”.

 Haddaba waxaan ku tallin lahaa xukuumad, shacab, waalid iyo ardayba in loo tafoxayto sidii loo dardar galin lahaa waxbarashada hoose dugsigana ay ku qaataan xiisadda waddaniyadda "Civics” iyo sidoo kale juquraafi ku salaysan waddankeenna, taariikhda ummadu leedahay ugu danbayna ilmaha yar lagu dhiirigaliyo inuu nolol gacantiisa ku abuuri karo. Waxaan ku soo afmeeri lahaa maqaalkaygan Erayo ka soo maaxday abwaanka qaaliga ah ee Xasan Daahir ismaaciil "Weedhsame”

Qof baad tahay guul abuura

Qof baad tahay guri yagleela

Qof baad tahay gaar ahaanta

Ku gaajo baxoo Is keena

Gankaa kuma dheera caaro

Aqoontaaduna ma gaabna

Ma gaagixin ayaahaagu

Dadkaagana kama go’aysid

Dalkaaguna kuma gariifin

Galbeed yurub kuuma yeedhin

Giriiguna kuuma baahna

Gob baad tahay moog inteeda

Adiga gayigaagu waa kan.

F.G: "Maqaalkani waxaan qoray 18-05-2013 balse waa mala’awaal aan rabo inaan ku baraarujiyo dhalinta iyo cid walba oo moog nimcadda dalkeena. Alle ha ina garansiiyo Madax iyo mijoba.”

 

Khaalid maxamed siciid

Hargeysa Soomaalilaan

Khalidfarxan@gmail.com

www.khaloudym.blogspot.com

MAXBUUS tribalism and somali context. Comin soon.

Muuqaalkan waxa uu hordhac u yahay muuqaal noocisa ah oo cusub kaas oo aan ku lafa guri doono qabyaallada iyo soomaali halka ay maanta dhigtay. sidoo kale qoraal ama maqaal aan ka diyaariyay qabyaaad ku dhaqanka oo aan ugu magac daray "Maxbuus" ayay hordhac u tahay, haddii wadku ina daayo waynu wada arki doonnaa labadaas oo isku lamaan.