Sida aynu ognahay aafada tahriibka ayaa noqotay tallaabo ay ku
hodmeen dhallinyaraddii soomaaliyeed meel kaste ha joogeen iyagoo
hiyigooda raaciyay kooxihii ka horeeyay ee u hayaamay qaaradda yurub
kana hayaamay qaaradda maddow, halhaysna ka dhigtay "Hebelba yurub wuu
galay” iyaga oon is waydiin su’aalo dhawr oo ay ka mid tahay muxuu kala
kulmay jidkii dheeraa? Nolol caynkee ah ayuu ku nool yahay? Balse hiigsi
mustaqbal oo ifaya ma leeyahay?.
Haddaynu si qoto dheer uga hadalno maxaa sababay in ubaxii waddanka
oo dhalinyarada ahi ay ka huleelaan carradii hooyo, jidka dheer ee
bilaa rajada ahna cagta saaraan aakhirkana nolosha ka dhacaan?
Goor fiid cawl ah oo qof walba ku jiro
saacaddahii uu ka nasan lahaa
cadceeddii kululayd iyo sidoo kale ridashada ama gudashada nolol
maalmeedkiisa meertada ah kuna nasan lahaa dabciga illaahay u sameeyay
kawnkiisa, ku darsoo waa maalin ka duwan maalmaha kale waa maalin
ciroole yar iyo waynba lagu wada labisanyahay dhar midabkoodu yahay
Cagaar, Caddaan iyo Casaan. Gidaar kasta ama wajahad kastana waxaad ka
arkaysaa midabbadaa aan soo xusay.
Waa maalinta xuska madaxbanaanida soomaalilaan ee 18ka May, jawigu
caadi maaha waxaan uga jeeddaa "aad ayuu u qurux badanyahay”, waxba yaan
hadal kugu daaline, ammintaa fiidka ah ayaan ku cawaynayay maqaaxi aan
aad u camirnayn balse dhinacyga bidix waxaa fadhiya nin gadhmadoobe ah,
aqoon iskuma lihin balse waxa aan ka simanahay bunkaa aan cabbayno, in
door ah oo aannu kolba indhaha is dhaafinay ayuu na soo hor maray
gaadhi ay ka buuxaan dhallinyaro faro-badan oo dabbaal dagaya, markaan
falanqaynay kadib ayaan isla soo qaadnay tahriibka oo imika siyaabo
baddan loo tahriibo magacyo kala duwanna loola baxay.
Su’aal ayuu si kadiso ah ii waydiiyay, fajaciso-na igu abuurtay,
kuye Waligaa ma tahriibi lahayd !? Ama waddanka ma iskaga tagi lahayd !?
Waxa aan ugu jawaabay waan ka tagi lahaa balse ma tahriibeen, muddo
intuu dhoolla-cadeeyay ayuu yidhi sabab? Wax aan sabab uga dhigay sida
dhallinyarada facayga ahiba u sababayso oo ah markaan waxbarashada
dhamaysto shahaadadayda kuma shaqo tagi karo waayo waxaa ka awood wayn
reernimo iyo garasho, shaqona waddanka kama jirto.
Layaabkii Waydiimadiisa ka sakow, jawaabtiisii ayaa noqotay mid aan
ugu garaabay, waxa uu yidhi "masuuliyadda tahriibka waxaan saari lahaa
cidda faraha ku haysa tarbiyadda awlaadda yaryar iyo waxbarashada ha
noqdeen maamul sare ama mid hoose sababta oo ah arday kasta oo muwaadin
ahi xaq ayuu u leeyahay inuu barto ama lagu barbaariyo, sidoo kalena
lagu abuuro dal jacayl oo la baro taariikhda waddankiisa iyo juquraafiga
waddankiisa, halka maanta dugsiyadeenna loogu dhigo ardayda taariikho
qalaad balse aan la barin oo la dhadhansiin waddanka iyo xaqa uu ku
leeyahay iyo xaqa muwaadinku leeyahay, sidoo kalena lama dareensiin in
uu u dhiman karo, daafici karo, ku gaajoon karo sidoo kalena u
shaqaysan karo oo waliba ka shaqaysan karo.
Taasina waxay masuul ka noqotay in dhallinyartii marka dugsiga
dhamaysato ay ka door bidaan in ay naftooda ku halaagaan saxaraha kulul
iyo badwaynta baaxadda leh, hadii ay ka gudbaanna ay dal shisheeye iyo
dad shisheeye xammaal u noqdaan kana ogolaadaan in ay ka hooseeyaan”.
Haddaba waxaan ku tallin lahaa xukuumad, shacab, waalid iyo
ardayba in loo tafoxayto sidii loo dardar galin lahaa waxbarashada hoose
dugsigana ay ku qaataan xiisadda waddaniyadda "Civics” iyo sidoo kale
juquraafi ku salaysan waddankeenna, taariikhda ummadu leedahay ugu
danbayna ilmaha yar lagu dhiirigaliyo inuu nolol gacantiisa ku abuuri
karo. Waxaan ku soo afmeeri lahaa maqaalkaygan Erayo ka soo maaxday
abwaanka qaaliga ah ee Xasan Daahir ismaaciil "Weedhsame”
Qof baad tahay guul abuura
Qof baad tahay guri yagleela
Qof baad tahay gaar ahaanta
Ku gaajo baxoo Is keena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin ayaahaagu
Dadkaagana kama go’aysid
Dalkaaguna kuma gariifin
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna
Gob baad tahay moog inteeda
Adiga gayigaagu waa kan.
F.G: "Maqaalkani waxaan qoray 18-05-2013 balse waa mala’awaal aan
rabo inaan ku baraarujiyo dhalinta iyo cid walba oo moog nimcadda
dalkeena. Alle ha ina garansiiyo Madax iyo mijoba.”
Khaalid maxamed siciid
Hargeysa Soomaalilaan
Khalidfarxan@gmail.com
www.khaloudym.blogspot.com
No comments:
Post a Comment