Sariirta ayuu badhtanka ka saaranyahay balse wax dhaqaaq ah ma laha waxa
ritay xannuuno uu muddo dheer la il darnaa. Dhamaan ehelkii wuu ku soo
dul xoonsanyahay ishiisu waxa ay kolba qabanaysaa dad ay soo wada
qaateen wakhtiyo farxad iyo murugoba leh.
Dhamaan dadkii agtiisa ku
qaaliga ahaa wajigooda murugo ayaa ka muuqato oo waxa ay ka
murugaysanyihiin Xaaladan uu ku suganyahay ee aanay waxba ka qaban
karayn. Gacanta ayuu haystaa inantii uu abtiga u ahaa oo aad moodo inuu
reerkaba ugu jeclaa, Marka aad
muuqaalkiisa hoos u raacdo cadkii jidhkiisa ku dhahaadhnaa waxba kama
sii joogo oo waa caato lafahiisu muuqdaan Korka waxa uu ku wataa Garan
uu ku sawiranyahay nin siyaasi ah oo aysan qaraabo ama ehel ahayn balse
ay reer ama magac wadaag yihiin, Marka aad eegto xaaladda uu ku
suganyahay iyo ninka uu korka ku wato waa laba aan islahayn balse way
jirtay maalmo uu isaga dartii dad ku nacay dad ku jeclaaday fikiro ku
qaatay inuu habaaska u cantuugo dartiina u ogolaaday reernimo awgeed
maaha dadnimo iyo wanaag uu ku taageersanyahay balse maanta marka
ishiisa iyo sawirka ninkaasi isku dhacaan kolba waa uu naxaya oo hadana
murugoonaya intaa uun kuma eekee xusuus ayaa wehelisa taas oo uu ka
dhiiloonayo shakhsiyadaa xumayd ee uu u xidhay fikirkiisii cuduudiisii
caqligiisii una noqday salaan uu kursi ku koro. Waxa uu kolba si hoose
isku waydiinayaa suaalo ay ka mid yihiin toloow ma la socdaa xaalkaaga
iyo noloshan cidhiidhigaa eed ku sugantahay? Waa Maya jawaabtu oo waxaa
laga yaabaa inuu ku dhex jiro xumaantii aad ku ogayd eed hadana ku
jeclayd. Haa maalintaa waad ku jeclayd balse maanta ma hubtid inaad
adigu daqiiqadan soo socota ay saacadaaduba ku eegtahay. Inadhaha uu
qalibka kolba ka rogayo waxa wehelinaya qaylo iyo oohin ay u ooyayaan
ehelkii. Mawjadaha fikirka ee ku soo laba dhacaya haddii uu maanta
bandhigi lahaa awoodna u yeelan lahaa inta la joogta ayuu ka waanin
lahaa inay fikirkooda u xoroobaan, Hadii uu awood jidh ahaaneed heli
lahaana garankan uu nijaasku ku
Sawiranyahay ayuu iska saari lahaa
hadii ay geeridu dayn lahaydna khaladaadkiisii hore ayuu sixi lahaa
balse maanta suurto gal ma aha.
No comments:
Post a Comment