Sunday, January 10, 2016

Lamaane taariikh reebay, (Taaj Maxaal) W/Q: Khalid Mohamed Said



Magacaantoodu ma aha kuwo sidaa u caan ah balse jacaylkooda ayaa noqday sheeko maalmeed ay ku sheekaystaan cid walba oo jacayl ka hadlaysaa.

Shah Jahan iyo Mumtaz Mahal waxa ay ahaayeen kuwo jacayl xad dhaaf ahi ka dhexeeyo kuwaas oo guur wadaagay isna jeclaa ilaa ay mumtaz ka geeriyootay ayada oo u dhasahy 14 ubad ah.

 Shah Jahan geerida ooridiisa ama jacaylkiisu waxa ay ku yeelatay saamayn dareen iyo mid jidh ahaaneedba.  Balse murugadaasi waxa ay ku boorisay in uu dhiso mid ka mid ah dhismayaasha ugu wayn uguna farshaxansan sidoo kalena ugu caansan dunida, isaga oo ugu talo galay In uu ka dhigo dhigaal taariikheed oo uu u hibeeyay xaaskiisa uu aadka u jeclaa goobtaas waxa lagu magacaabaa “Taaj Maxaal” oo ku taal dalka hindiya. Haddaba dhismaha taaj maxaal  kadib shah wuu xanuunsaday, intaa wixii ka danbeeyay waxa uu hooy uu ku nasto ka dhigtay daartay uu xaaskiisa u hibeeyay halkaas oo uu kama danbayn ku geeriyooday laguna ag aasay xaaskiisa.

No comments:

Post a Comment