Ciid Wanaagsan W/Q: khalid mohamed siciid “khaloudy”
Diinta islaamku waa diinta nasteexada
iyo is-jacaylka sidoo kale waa diin inoo horsed farxad iyo badhaadhe,
haddaba sannadkiiba waxa ku jirta laba ciidood oo waawayn laguna
magacaabo ciidul fidr iyo ciidul adxa. Camal wanaagsan iyo cibaado
suuban ka dib illahay wuxuu umadiisa ku sharfaa maalintan oo kale.
Maalintan oo kale, Marka waagu Dilaaco
Diigguna Ciyo Salaadana La adimo waxaad mooda in ay soo dhacdoba hawo
caafimaad oo dhamaan dadka farxad galisa yar iyo wayn ciroole iyo
carruur taaso ruuxdooda ku abuurta Jacayl iyo jawi farxadeed.
Haweenkuna qureeca Halkay ka samayn jireen Loxoox waxay ku badaleen
Cambaabur.
Ammintu waa aroor hore, arooruhu kala
wacan, kala suntan, kala saamayn wacan, cadceedduna waxay soo Baxday
Falaadhaheeda oo wata diiranaan dareen iyo daganaasho gaar ah, subaxdani
waa subax ka dhex suntan Sanadka gabi ahaantiiba oo way ka farxad iyo
rayrayn badantahay. Waa dhif iyo nadir in subax sidan oo kale ah jiro,
oo waxaynu odhan ba sanadkiiba laba mar ayay ina soo martaa. ilaahayna
kala jecel ummadiisa Jacayl uun maahe una kala naxariis badan, waxa
hubaal ah inayna ummadaha kale(aan Muslimka ahayni) helin maalin ka
qiimo duwan maalmaha kale sidaa darted ayaynu nahay ummad ilaahay
adeecda,
Qof walba waxa uu u diyaar-galoobayaa
sidii uu soo tukan lahaa sallaada oo loo tukanayo qaab ka duwan Salaada
Faralka ah,waxaad Hubaal ah in qof walba sito labis cusub carfi udgoona
ka soo kimkimayo qof ba qofka kale laabta galinyo una hambalyaynayo
munaasibadan awgeed, Waxaa xusid mudan in carruurtu ay yihiin kuwa ugu
jawiga fiican maalintan oo ayagu kaliya waxa ay u ciidaan dhar cusub iyo
waliba xaqal-ciid laakiin la saamayn ma aha dadka waawayn oo dadka
waawayni waxay ilaahay ugu mahad celinayaan maalintan qiimaha iyo
qaayaha baddan uu waliba ugu daray Caafimaad ,nabad iyo xasilooni.
Suuqa Waxaad mooddaa inuu buux
dhaafayba oo meel aad ka istaagtaa aanu jirin oo aan odhan karno Usha
cirka loo tuuraa dhulka ku soo dhici mayso. Kumanaan ayaa Hambalyo iyo
Bogaadin Hawada isku Marinaya kumanaanna Nasiib ayay isku yeesheen inay
wada farxaan wada qoslaan wada ciidaan, sidoo kale idaacadaha iyo
muuq-baahiyaaysha waxa ka socda Barnaamijkii Hambalyada Ciida oo Caruur
iyo Cirooleba ka muuqdaan, Waxaana Hal-hayska maalinku yahay
“ Alla Maanta iyo Maalinka Ciida
ilaahii ina siiyay isagaa ku abaal leh, Way ahaataye maanta si wanaagsan
u ciida, Arday joogta iskuulka odayaal talinaya illaahi ina siiyay
isagaaa ku abaal leh.”
Khaloudy khaled <khalidfarxan@gmail.com
No comments:
Post a Comment