Saturday, October 31, 2015

Xasuustii Aabbihii W/Q: Khalid Mohamed Said “Khaloudy”



Muddo sannad ah ayaa ka soo wareegtay geeridii aabihii balse Hooyadii waxay indhaheeda ku arkaysaa ganacsigii aabihii ka tagay oo maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii dhacaya,
Bilaal waa wiil dhalinyar ah waqtigiisana ku lumin jiray kubadda kolayga oo uu aad ugu waalnaa, magaaladana aad buu caan uga ahaa wuxuuna u ciyaari jiray kooxaha ugu waawayn isaguna raga magaca ku yeeshay ayuu ahaa, Aabihiii taageere ayuu u ahaa oo ciyaar kasta oo inankiisu ciyaarayo wuu daawan jiray.
 Hooyadii ma jeclayn inuu wakhtigiisa ku lumiyo ciyaarta balse uu fasaxiisa ku qaato inuu meheradaha aabihii uu dhex joogo si uu shaqadana u barto, balse aabihii ayaa mar walba odhan jiray wuu iska baran.
Nasiib daro aabihii ma sii noolaan waxa haleeshay geeri aad uga nixisay bilaal.
Hooyadii way cidlootay waxayna dareentay kalinimo waxaana ku adkaatay inay ganacsigii faraha ku dhigto iyo inay sidoo kale baylahdii gurigana daboosho, Bilaal run ahaantii wuu dareemayaa dhibaatada intaa leeg balse wax xeelad ah ganctiisa kuma jirto. Gancisgoodu kaliya kuma eekayn magaalada oo kaliya ah balse aabbihii wuxuu u socdaali jiray waddamo faro badan oo uu ka soo dhoofsan jiray badeecooyin.
Bilaal wuu la tashaday hooyadii isagoo u sheegayna inuu wakhti badan lumiyay haddana uu maanta diyaar u yahay inuu dhexda u xidho ganacsiogooda iyo sidii uu kor ugu soo qaadi lahaa, waxayna go’aan ku gaadheen inuu isagu u kala goosho waddamadaas isaga oo ogna in uu aabiihii saaxiibo faro badan ku leeyahay meelahaas uu Bilaal u kala gooshayo gacana uu ka heli doono inta uu isagu kala baranayo suuqa.
Habeenkaas oo dhan hooyaddii caloolyow ma aysan seexan,  Bilaal dhinac wuu ku faraxsanyahay inuu nolosha qooyskooda uu masuuliyadeeda qaadayo, Dhinaca kalena aad uu uga murugaysanyahay inuu ka socdaalayo magaaladii uu aadka u jeclaa nolol cusubna gali doono.
Bilaal xalay hurdo way ku yarayd balse wuxuu dul xarigayay furaashka, goor sheegtana wuxuu ku buuxsaday in ay salaadda subax u kiciso, si lama filaan ah ayay goor sheegtii u qayliday balse bilaal wuxuu mooday in la gaadhay wakhti uu ka hayaami lahaa qoysikiisa una hayaami lahaa is badalka qoyskiisa. Markuu arkay in salaadii ay taagantahay ayuu salaadii u kacay.
Dhinaca bidix ayuu ka taaganyahay daarta bilicdasan ee uu ku soo barbaaray xusuusaha fiicana uu ka haysto,  Dhulku wuu ceegaaganyahay cirkana waxaad moodaa in lagu dahaadhay midab casaan iyo huruud iskugu jira,  Cadceeduna way damacsantahay inay falaadhaheeda dilaaciso, Neecaw qalbigiisa xanxantaysaana waxay ku soo dhacaysaa jidhkiisa oo jidhidhico isku shareertay, Indhihiisa waxaad moodaa in ay ilin ku soo taagntahay, Gacantiisa midig koob shaah ah oo kulul ayaa ku jira, Si qurux badan ayuu u jaleecayaa beerta wajahadiisa ah oo ay xusuus faro badani ku duuganatahay, Maskaxdiisana mawjaddo xusuus ah ayaa kolba ku soo maaxanaya, xasuustiisa waxa ka faaruqi la’a aabihii iyo ciyaarihii ay beertaas biicdasan ku dhex ciyaari jireen, sidoo kalena ma iloobi karo aabihii oo markay ciyaarayaan ku dhiiri galin jiray inuu markasta isagu badiyay xataa mararka ay baratamayaan wuu gaabin jiray si isagu u badiyo niyadana ugu dhiso, sidoo kalena xasuustiisa waxa ka mid ah taageeradii aabihii u muujin jiray marka uu garoonka ku jiro, waxaas oo dhana murugo ayaa qalbigiisa ku wayn inuu ka socdaalyo Noloshaas xusuuta badan una socdaalyo nolol cusub.
Xusuusahaasi rajo iyo ididiilo ayay ku abuurayaan isaga oo aqoonsan in marnaba aabiihii soo laaban doonin. Goortii uu bixi lahaa ayaa la gaadhay hooyadii oo murugo faro badani ka muuqato ayuu gacantiisa kaga tirayaa ilinta indhaheeda ka soo burqanysa, Caruurtii uu curadka u ahaana way ku soo xoomeen waloow qaarkood aysan garanyn dhibaatada ay leedahay boholyoowgu, haddana diyaar ayay u yihiin in ay sii safar salaamadiyaan.
Bilaal oo ilmada iska masaxaya ayaa albaabka ka baxay wuxuuna raacay gaadhigii gayn lahaa madaarka.

No comments:

Post a Comment