Waa maxay qabiil?
Haddaba qabiilku waa shayga qiimaha leh balse marka bulshadii ku ladho
qabyaalad waxaa maxsuulkeedii noqday horumar la’aan iyo hiigsi la’aan
ugu danbayna guuldaro.qabiil waa caddaynta jiritaanka qof ahaaneed sidoo
kale waa astaan garasho ama abtirsiineed ee qof jiraa leeyahay, isla
markaa na waa nidaamka ama hagaha isir iyo hiddo wade, haddii aan qabiil
jirin runtii maynu noqoneen ummad jirta sidoo kale xoolaha waxba ma
dheeraaneen, oo qofka jiraa haduuna garanayn cidda uu ka tafiirmay iyo
cida uu hiddo la wadaago waxba jiritaankiisu sheegi maayo.
Waa maxay Qabyaalad?
Qabyaalad waa xanuun, xumaan, xasad iyo
xajiin wada socda oo ay dheertahay dad kala jeclaysi xoriyad la’aan
sababtaas oo kuu hogaaminaysa u xidhnaanshaha ama taageeridda qof ama
shakhsi dan gaar ah leh, kaas oo kaa indho saabaya dantaadii kaana
dhigaya qof liita oo dulli qaadan kara habaaskana cantuugi kara, sidoo
kale waa fuquuq, fogayn, fidmayn iyo foolxumo bulshada dhexdeedu iskula
timaado. Sidoo kale waa qaran dumiye, qudhun iyo qof xun jeclaysi.
Cadaalad darro iyo camal xumo na qabyaalad ayaa caan ku noqotay.
innaga oo ka mid ah ummadaha ku xamdiya
nimcada diinta islaamka haddana ah dad ab iyo isirkood garanaya ayay
dhexdeenna ka dhacdaa dil, dhac, fuquuq, iyo takoor aynu isku takoorayno
qabiil taas oo aan la xeerinayn qofka jiritaankiisa, dabcigiisa,
diintiisa, maalkiisa, iyo sharaftiisa balse aynu marka u horeysaba ka
eegayno dhinac khaldan oo ah qabiilkee ayuu ka dhashay waliba intaas uun
kuma joogtee waxa raacsan haduu reer hebel yahay waa gob haduu reer
hebel yahayna waa gun, innaga oo ogsoon in qofkii alle sheegtaa
nabigiisana qirayaa kaliya gob yahay.
Ilaahay kitaabkiisa quraanka waxa uu ku
sheegay aayad qur’aan ah oo macneheedu odhanayo “waxaan idinka yeelnay
qabiilooyin iyo ummado si aad isu garataan”. Taas baddalkeeduna maaha
isku naca iskuna fogeeya iskuna caaya balse waa isku barta oo isku
jeclaada.
Bulsho wanaageeda ama horumarkeeduna
wuxuu ku xidhanyahay siday kooga sharafta leh u maamuusaan ka xumaanta
ka dhex wadana u fogeeyaan balse maaha ninka xumaanta wada ee abkaa
sheeganaya inaad ku taageerto xumaanta ood ku garabsato laga yaaba in
haddii aad dariiqa saxda hadaad tusi lahayd in ilaahay ku hanuuniyo
wanaag adigana abaal wayn ayuu alle kuugu hayn lahaa, Waa maalmo dunidu
oo lagu waari maayo, balse qof walba maalinta saacaddiisu dhamaato ee
godka la geeyo kaliya shayga raacayaa waa camalkiisa.
Wakhtigan maanta taagan wax walba waxay
noqdeen qabyaalad iyo is nacayb iyo waliba is bahaysi qabyaaladeed oo
waxaad arkaysaa laba qabiil oo isku bahaystay cayda iyo xumaan ka
sheegista qabiil kale, taa badalkeedu wakhtiyadii hore muu ahayne balse
dadku wuxuu ahaa walaal iyo xidid xurmona kala mudan xeerbeegti talisa
iyo odayaal isku garnaqsada ayay lahaayeen qofna qof kale waxba kama
sheegi jirin cay iyo cambaaraynna hadalkeeda ba daa.
Muraayadda bulsho iska dhex aragtaa waa
aqoonyahankeeda, maanta aqoonyahankeenu waa mid aqoontiisa u gudbinaya
cid gaar ah, sidoo kale qofkii aqoonta lahaana waxaynu ula dhaqmaynaa
mid aan habboonayn sidoo kale fursaddii shaqo ee uu aqoontiisa ku kasban
lahaana waxa laga yaabaa inuu ku waayo qabyaalad awgeed danta
bulshaduna way ku lumaysaa cadaalad darrona way sababtaa.
Wali lama saadaalin karo goorta ay
inaga dhex bixi doonto dabaylahan duufaanta caadifadaysan wataa ee
qabyaaladu, haddii aynaan la iman dhaqdhaqaaq xoriyad aynu ku raadinayno
taas oo aynu fikirkeena, dareenkeena, iyo maskaxdeenaba, kaga
xoraynayno falkan foosha xun ee qabyaalada, abwaankii soomaaliyeed ee
cabdilaahi suldaan timacade waa kii lahaa “Dugsi male qabyaaladi waxay
dumiso mooye”
Qof walba oo inaga mid ahina haddii uu
kala fahmo qabiil iyo qabyaalad waxa hubaal ah in aynu hiigsan doono
samaha iyo sareedada sad wanaagsana ka heli doono saadaasha
mustaqbalkeena, laakiin intaa aynu isku khaldayno labadaas heer iyo
hiigsi yeelan mayno,
Ogow qabiilkuna ma xumee qabyaaladaa xumaysay!.
W/Q: Khalid Mohamed Siciid “Khaloudy”
Email: khalidfarxan@gmail.com
No comments:
Post a Comment