Tumaalku Waa Tog Irmaan, W/Q: Khalid Maxamed Siciid “khaloudy”
Waa wax lagu farxo in Bulshadeenna ay ku jiraan Dad iyagu la
yimid hindsaha , farsamooyinka iyo Qaabaynta birta oo laga sameeyo
dhammaan agabka aynu isticmaalno, waxase ayaan darro ah in bulshada
inteedii kale takoorto halka ay la garab istaagi lahaayeen hiil iyo
hooba.
Xalay oo aan ka qayb galay barnaamij daaran oo ay soo agaasintay
xarunta dhaqanka ee Hargaysa, Barnaamijkaas oo la magac baxay “Tumaal
iyo Wax tarkiisa” Waxa barnaamijka marti ku ahaa wariyaha ama barnaamij
soo saaraha caanka ah ee Maxamed Xasan cali “Waji”.
Barnaamijkan oo ka koobnaa qaybo kala duwan ayaa lagu soo bandhigay
dhamaan agabkii ay tumaalku samayn jireen agabkaas oo dhamaan ku
sharraxnaa masraxa, sida aan ka warqabo agabkaas waxa sameeyay oo soo
ururiyay maxamed xasan cali “Waji” uguna deeqay xarunta Dhaqanka Laguna
kaydiyay agabkaas oo ahaa kuwii loo adeegsan jiray dhinacyo badan kana
qayb qaadan jiray hab nololeedka bulshada. Ayaa u muuqday qaar gabaabsi
ah oo aan la helin agabka halkaa lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa
:Daawe, Halqaban, digsi, Tanag, mindi, waran , Murjin, tooray, Gudin,
Hoos qor , gudin quraar, Maxaadh, malaas, girgire, sanduuq, katabaan,
nugi, Maraashi. IWM.
Qalabkan oo dhammaan iskugu jira Agabka Guriga, agabka qurxinta
guriga, agabka qurxinta dumarka, agabka dagaalka, iyo agabka beerta.
Ayaa guud ahaanba aan waddanka laga isticmaalin sidoo kalena dadkii inoo
samayn jirtayna aynu ka dhignay bulsho aan yaraysano waxtarkoodiina
aynu ugu badlanay takoor iyo hayb-sooc sababay inay noqdaan bulsho
hagardaamo huq iyo ciilba ku nool dhaqaale ahaanna liidata,
Hadaba xalay mar waji la waydiiyay maxaa sababay arimahaas wuxuu ku
jawaabay “ Haddii qof inaga mid ah oo ragannimo leh aynu maxbuus ka
dhigno qolna toban cisho ku xidhno toban qof oo inaga mid ahina maalin
walba isku waydaartaan oo qof walba ku idhaa Waxba ma tihid runtii wuxuu
qolkaas ka soo baxayaa isaga oo duuf leh”.
Hadaba hagardaamada bulshada inteeda kale u gaysato iyo sababta ay
ugu gaysato oo mudo badan aan anigu ku jahwareeray oon marar badan
naftayda ugu jawaabay “ Lax Walba halka ay is dhigto ayaa lagu qawracaa”
ayaa kulankan wax badan igaa iftiimeen fikradahii bulshada kala duwan
aan kala soo dhex baxay in markii gumastihii ingriisku waddanka soo
galay ay ahaayeen bulsho waxtarkeeda la manaafacaadsado markuu arkayna
in dadkani horumar samayn karaan uu ku diray dhamaan bulshadii kale
isagoo ka dhigay dad liita, dadka farsamadan ku shaqaystaana ay yihiin
dad aad u hooseeya isaga oo maanta ama maalinkaas uu tumaalku ahaa ninka
bulshadu ku tiirsantahay haddana marnaba gumaystuhu ma rabin in
umadeenu horumar ama tadawir xadaaradaysan gaadho, nasiib darro wayn
ayay tahay in bulshadii maalintaa joogtay iyo bulshada maanta joogtaaba
ay ka kori wayday fikirkaa gumaysigu rabay in ummadeena ku curyaamiyo,
waloow maalintaas aynaan ahayn dad aqoon leh laakiin maanta oo aynu
noqonay dad waxbartay maxaa ka dhigay fikirkaas mid baaqi sii ah?.
Hore soomaalidu waxay u tiri biyo daatay dabadood la qabay, ma kula
tahay in aqoonteenna maanta gaadhsiisan tahay in aynu kala fahmi karno
fikirkaas aan salka iyo raadka lahayn ee gumaystuhu inagu curyaaminayay?
Haddaba intii aan ku gudo jirnay barnaamijkan oo bandhigaas ka sokow u
badnaa soo jeedin iyo su’aalo ka imanayay dhalinyarada, dumarka,
duqayda iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashi kulankaas ayaa u badnaa
su’aalo dhiirigalin ah.
“Awoowyaashay iyo odayadii iga horeeyay hadday arki lahaayeen
kulankan iyo sida aynu isku dhex fadhino eed waliba dhagihiin nagaga
dhagaysanaysaan waxqabadkayga Farxad ayay ooyi lahaayen! Taa badalkeeda
oo ahayd wakhtigoodii fogayn iyo takoor ay la kulmi jireen” waxa uu
hadalkaasi ka soo maaxday Maxamed xasan cali “Waji”.
Wiil lagu magacaabo cabdiqani cabdilaahi oo ka soo baxay kuliyadda
caafimaadka ee camuud ayaa su’aal aad u dhiirigalisay waydiiyay marti
sahraftii “ma laga yaaba ka dhakhtar ahaan ama bulsho waynta kaleinaad
naga soo qayb galisaan geeddiga aad waddaan ama se ma laga yaabaa inaad
noo samaysaan qalabka aan u isticmaalno qalliinka oo u badan qalab bir
laga sameeyay sida Maqas iyo waxyaabo la hal maala” waji ayaa jawaab aad
u qurux badan oo qiimo leh siiyay “waa alle mahadii hadii aan haysto
dad sidaa u fikiraya waanan soo dhawaynayaa cid kasta oo ka qayb
qaadanysa marnaba idin fogayn mayno”.
Bulsho waxay horumar gaadhaa marka ay tumaalkeeda horumariso,
tumaalku maanta wuxuu dawladaha horumaray ka joogaa mansab iyo meeqaam
sare ahna laf dhabartooda horumarineed, bulsheed halka innagana uu dabar
go’ay.
Kulankan oo loo riyaaqay ayaa ku dhamaaday jewi farxadeed, aniga oo
markii horena fikir khaldan la fadhiistay kursiga ayaa ka soo kacay
aniga oo u arkaya in ay bulshadu mid tahay. Bulshada inteeda kalena alle
ha garansiiyo in bulshadu ay siman tahay ilaahayna isku dheelli tiray.
W/Q: Khalid Mohamed said “khaloudy”
Email: Khalidfarxan@gmail.com
Facebook: Khaloudy Mohamed sa’eed
No comments:
Post a Comment